Talaado, February 10, 2009(HOL): Waxaa lagu qabtay Xaflad ballaaran oo lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed Magaalada Qaahira ee Dalka Masar. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Masar iyo Naadiga Aradayda Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Hoolka xafaladaha ee ku yaal Wonderland oo ka tirsan Nasr city waxaana ka soo qeyb galay xafladan dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyada ku nool wadanka Masar.
Xafladan ayaa waxaa lagu furfuray ayaadaha Quraan kariimka kadib quraankii ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay madaxa Naadiga Ardayda Soomaaliya ee Masar Cabdi Naasir Cumar oo ammaan u soo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya isagoo ku timaamay inuu yahay wadaad mutacalim ah da’ yar oo ku haboon xilka loo doortay, loona baahan yahay in lagu taageero nabadda uu raadinayo, fursadna la siiyo dowlada maadaama ay ka daaleen Shacabka Soomaaliyeed dhibaato soo jireen ah oo ku habsatay Bulshada Somaaliyeed.
Madaxa Naadiga kadib ayaa waxaa hadalkii la siiyay Sheekh Cali oo muxaadaro u soo jeediyay bushadii ka soo qeyb gashay xafladan asigoo ugu baaqay dadka ka soo horjeeda dowlada in ay kitaabka alle u noqdaan kuna midoobaan asaga madaama uu diyaar u yahay madaxweyne Shiikh Shariif ku dhaqanka sharciga Alle, una turaaan bulshada Soomaaliyeed ee dhibaataysan .
Sidookale waxaa ka hadlay xafladan Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaalle oo ay yaqaanaan bushada reer Qaahiro waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “tani waa furasddii inoogu danbeysay oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan culimada, waana inaan taageernaa dowladda midnimada qaran”.
Intaas kadib waxaa Ruwaayad ka xadlaysa xaalada ka jirta soomaaliya soo bandhigay Midnimo Team. Riwaayadda ayaa si gaar ah loogu xusay siyaasadda Soomaaliya iyo kursi jeceylka, waxayna riwaayaddaas oo mid xiiso badan ahayd ay ku soo dhamaatay is-faham iyo isu tanaasul ay muujiyeen jilayaashii riwaayadda oo metelayay siyaasiyiinta Soomaalida ee kuraasta isku heysta.
Xafladdan ayaa waxaa kadlay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshadii ka soo qeyb gashay oo ay kamid ahaayeen saxafiyiin abwaanno iyo dhalinyaro xubno ka ah Naadiyada Ardayda ee ka jira wadan Masar oo ay xubanaha ka yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed sidookale ururka dhaliyarada soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SYO ayaa ka hadlay ayagoo ku baaqay in la taageero nabada lagana qeyb qaato dib u dhiska dalka, waxeyna ugu baaqeen dhalinyarada Soomaaliyeed inay nabadda hormuud ka noqodaan madaama ay yihiin laf dhabarkii bulshadda.
Xafladan ayaa ku soo gabangabooday jawi degan ayadoo ay ilaallo ka ahayeen goobta xafladda ciidamada amnaanka ee dalka Masar madaama dadka ka soo qeyb galay ay aad u faro badnaayeen ka soo qeybgalayaasha waxayna dhamaan saadaalinayeen dowladan inay noqon doonto middii ka saari lahayd dhibaatada umadda Soomaaliyeed, dadka xaflada iskugu yimid ayaa ku dhawaaqayay halku dhegyo lagu ayidayay Madaxweynaha Soomaaliya, waxeyna ku wada dhawaaqayeen Shiikh Shariif ha noolaado… Soomaaliya ha is-raacdo iyo hal-ku-dhigyo la mid ah kuwaasoo kiciyay dareenka ka soo qeybgalayaasha.
Daa’uud Ali Sheikh Nur
[email protected]
Qaahira, Masar