Talaado, February 10, 2009(HOL): Maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan si is daba joog ah u soo gaarayay Saraakiil ka tirsan UN-ka kuwaa oo fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya si markaa loogu kuurgalo xaaladaha Nolosha iyo Nabad-galyada guud ahaan Goballka Hiiraan.
Saraakiisha oo u badnaa kuwa Ajnabi ah ayaa dhamaantood waxaa ay warbixino ka dhageysnayeen Maamulka Islaamiga Goballka Hiiraan, Odayaasha dhaqanka, iyo NGO-yada Maxaliga ah ee ka howlgala gudaha Goballka kuwaas oo dhamaatood laga dhageysanayay Warbixino la xiriira xaaladaha Nabadgalyada iyo waliba Nolasha dadka dhibaateysan ee u baahan in xiligan wax loo qabto.
Waxaa 28, Janaayo ee Sanadkan markii ugu horeysan socdaal ku yimid tagay Magaalada Beledweyne Wafdi ka tirsan Hay'adda Cunada Aduunka ee WFP kaasoo ay hor kaceysay ku-xigeenka Agaasimaha Hay'adda WFP u qaabilsan arrimaha gar gaarka gabadha lagu magacaabo Denise Bowrn taasoo u sheegtay Maamulka Islaamiga Goballka iyo Odayaasha dhaqanka in wixii hadda ka danbeeya Hay'adda WFP diyaar u tahay in ay Magaalada ka furato Xafiis si rasmi ah u shaqeeya, waxaana ay intaa ku dartay marka ay ku laabato Magaalada Nairobi in xogta ay soo heshay u gudbin doonto Hay'addaha kale.
Waxaa Xusid mudan in Sidoo kale 7dii bishan Febaraayo, isla Magaalada Beledweyne gaaraan Wafdi sare oo ka socda UN-ka gaar ahaan laamaha hormaritan Mashaariicyada, kuwaa oo intii ay Magaalada joogeen ku soo wareegeen qeybaha Magaalada ka kooban tahay, iyaga oo sidoo kalana kulamo la qaatan Mas'uuliyiinta Maamulka Islaamiga Goballka iyo waliba Odayaasha dhaqanka, waxaana sidoo kale Wafdigu ay is arkeen NGO-yada, Magaalada ka howlgala kuwaa oo ay ka qaateen warbixino la xiriira baahiyaha waqtigan ka taagan Goballka.
Xubnaha ka tirsan UN-ka ayaa ku wargaliyay Maamulka Goballka Islaamiga iyo waliba Odayaasha dhaqanka in wixii hada ka danbeeya si toos ah looga howlgali doono Goballka, maadaama xaalada Nabadgalyadu tahay mid laysku haleyn karo, waxaana ay intaa ku dareen in marka laga soo tago arimaha Samafalka sidoo kale Hay'adduhu ka qeyb qaadan doonaan howlaha lagu hormarinayo adeegga Bulshada.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne iyo dhamaan qeybaha kale ee Goballka ayaa siweyn isha ugu haya wax ka qabashada Buundada Degmada Buula-burte oo sida la sheegay dhisan in ka badan 70-sano, waxaana Buuntada ka muuqda bur bur aad u weyn oo laga yaabo in uu keeno gabi ahaan in Buundadu Jabto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Saraakiil ka tirsan UN-ka oo sheegay in Magaalada Beledweyne ay ammaan tahay, lagana hirgelinayo howlaha samafalka iyo adeegyada Bulshada
Cabirka Farta
More News
- Minnesota: Xafladii soo dhaweynta ee lagu taageerayey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Jibouti ku laabtay, saacadaha soo socdana ku dhawaaqaya Ra’iisal Wasaare
- Midowga Afrika oo Ciidamo dheeraad ah u diraya Soomaaliya
- Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka warbixiyay kulan ay la yeesheen Madaxda Xisbul Islaam
- Madaxwaynaha Puntland oo cafis u fidiyay 67 Maxbuus oo ku jiray xabsiga Magaalada Boosaaso
- Xaflad lagu taageerayo Dowladda cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar