Midowga Afrika oo Ciidamo dheeraad ah u diraya Soomaaliya

Cabirka Farta

African Union Mission to Somalia (AMISOM) military tanks patrol the streets of Somalia's capital Mogadishu, February 9, 2009. Photo/REUTERS
Taangi ay leeyihiin Ciidamada Amisom oo Muqdisho dhex socda. SAWIRKA/REUTERS


Talaado, February 10, 2009(HOL): Dowladaha Burundi iyo Uganda ayaa la filayaa in ay bishan ciidamo dheeraad ah u dirayaan Sooamaliya, gaa rahaan Magaalada Muqdisho, iyagoo gaarsiinaya Ciidamadooda hadda Muqdisho ku sugan ilaa 5,100 Askari.

Sida uu sheegay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Nicolas Bwakira ayaa sheegay in labada dowladood ay horay u aqbaleen in ay Ciidamo dheeraad ah u diraan Soomaaliya, kuwaasi oo tiradooda gaareyso 1700 oo Askari.

Dowladda Nigeria ayaa iyadana la filayaa in ay Ciidamo u dirto Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena Dowladaha Ghana, Burkina Faso iyo Malawi ay bixiyeen ballanqaadyo ah in ay ka qeybqaadanayaan howlgallada lagu sugayo ammaanka Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu furayay Seminaar loogu  qabtay Hotelka Hilton ee Magaalada Nairobi Saraakiil Ciidan iyo Shaqaale kale oo Midowga Afrika ka tirsan ayuu sheegay Nicolas Bwakira in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Soomaaliya ay keeneen firaaq dhinaca amniga ah, kaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in la daboolo.

Wuxuu intaas ku daray Nicolas Bwakira in Midowga Afrika ay ku kalsoon yihiin in Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu fulin doono ballanqaad uu horay u bixiyay oo ahaa in uu muddo lix bilood ah uu ku xaqiijinayo ammaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina u qeybsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya Nicolas Bwakira waxaa uu sheegay in ay Dowladda Soomaaliya u tababari doonaan Ciidamo Soomaaliyeed oo marka ugu horeysa tiradooda ay gaareyso 2,700, kadibna la gaarsiin doono ilaa 10 kun oo Askari.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia