Talaado, September 02, 2008(HOL): Burcad Badeed Soomaali ah oo Maraakiib ku heysta Deegaanka Eyl ee Gobolka Nugaal ayaa waxay dalbadeen in la siiyo lacag dhan 8.2 Milyan Dollar si ay u sii daayaan seddex Markab oo ay heystaan.
Madaxa Hay’adda Bad-mareennada Bariga Africa Andrew Mwangura ayaa sheegay in Kooxaha Burcad Badeedka ah ay dalbadeen in Maraakiibta Bunga Melati 5 iyo Bunga Melati Dua oo Malaysia laga siiyo lacag dhan 4.7 Milyan Dollar, sidoo kalena 3.5 Milyan Dollar laga siiyo Markabka MV Stella Maris oo ay isna Burcad Badeedku qafaasheen 20-kii Bishii July ee aynu ka soo gudubnay.
Andrew Mwangura waxaa uu sheegay in ay rumeysan yihiin in Maraakiibtaas lagu hayo Deegaanka Eyl oo sida uu yiri Kooxaha Burcad Badeedka ay ku leeyihiin taageero xooggan oo Deegaanka ah.
“Deegaanka Eyl ayaa waxaa sanadkii 1973-kii laga dhigay meel laga kalluumeysto balse waqti kadib kalluumeysigii waa uu ka istaagay, waana laga guuray, wuxuuna deegaankaas noqday meel ay ku nabad-galaan Kooxaha Burcad Badeedka ah oo ogsoon in aaney halkaas ugu imaan karin Dad aan iyaga ahayn iyo kuwa wax basaasa” ayuu yiri Andrew Mwangura.
Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay sanadkan kaliya af-duubteen 30 Gaadiidka Badda ah oo isugu jira Maraakiib iyo Doomo, waxayna Af-duubyadaas ka dhigeen Xeebaha Soomaaliya kuwo uu ku safarkooda khatar yahay.
Haddaba iyadoo Kooxahan Burcad Badeedka ah ay dalbanayaan Lacagta Madax-furashada ah ayaa hadana wuxuu sheegay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka Malaysia Mr. Najib Razak in ay Xeebaha Soomaaliya u direen Maraakiib Dagaal, kuwaasi oo la socon doona dhaqdhaqaaqa afar Markab oo looga heysto Xeebaha Soomaaliya.
“Muhiimaddeena waa badbaadada dadka saaran Maraakiibta Af-duubka lagu heysto, waxaana sameyn doonnaa wax walba, Annaga oo tixraaceyna shuruucda Caalamiga ah”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Dalka Malaysia Mr. Najib Razak.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia