![]() |
| Wariye Sufi Yusoff |
Wariyahan oo lagu magacaabo Sufi Yusoff ayaa wuxuu Soomaaliya tegay kadib markii loo diray in uu ka soo waramo howlgallo ay Ciidamada Malaysia oo qeyb ka ahaa kuwii UNOSOM ka wadeen Soomaaliya, wuxuuna Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho joogay muddo 3 bilood ah.
“Halkaas (Somalia) waxaa ka talinayay Hoggaamiye Kooxeedyo iyo Kooxo Mucaarad ah, kuwaasi oo aanan ka laba-labeynin in ay wax dilaan. Noloshaadana qiimo weyn uguma fadhido”ayuu yiri Wariye Sufi Yusoff oo 37 sano jir ah.
Wariyahan oo u warmayay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Dalka Malaysia ayaa wuxuu sheegay in markii loo diray Soomaaliya uu qorshihiisu ahaa in uu halkaas ku maqnaado muddo labo todobaad ah balse ay taasi meesha ka baxay kadib markii uu Muqdisho ka dhacay Dagaalkii looga soo horjeeday Ciidamadii UNOSOM, kaasi oo keenay in la joojiyo duulimaadyada dadka Rayidka ah ee Muqdisho ka bixi jiray.
Wuxuu sheegay Wariye Sufi Yusoff in xiligaas ay adkeyd in wada xaajood la sameeyo, waayo ayuu yiri Dowlad ma jirin, waxa kaliya ee lala xaajoon karayna waa hoggaamiye kooxeedyo is-bar bar ordaya, kuwaasi oo uu midba dhankiisa u doonayo in uu la xaajoodo UN-ka.
“Soomaaliya weli waa sideedii, waxayna siyaabo aan wanaagsaneyn ugu jirtaa wararka, waxaan rajeyneynaa in Dadka Malaysian-ka ah ee nalooga heysto Soomaaliya aan heli doonno iyagoo bed-qaba”ayuu yiri Wariye Sufi Yusoff.
Ugu dambeyntiina, 65 ruux oo u dhashay Dalka Malaysia ayaa waxay Kooxo Burcad Badeed ah ku heystaan Xeebaha Soomaaliya, iyagoo dadkaasina lagu dul-qabsaday Maraakiib ay la socdeen oo marayay Biyaha Gacanka Cadmeed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
