Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in Shiikh Shariif uu Amiirkooda yahay balse ay uga soo horjeedaan Wada Hadallada Jibouti

Cabirka Farta

Xoghayaha Gaashaandhigga  Isbaheysiga Dib u xoreynta  Shiikh Yuusuf  Indha Cadde
Talaado, September 02, 2008(HOL): Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo shir jaraaa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay eedeymo loo jeediyay oo ahaa in uu xiriir la leeyahay Burcad Badeedka iyo sida uu u arkayo Madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta ee is-khilaafay.

Shiikh Yuusuf waxaa uu sheegay in aaney waxba ka jirin eedeynta uu u jeediyay Andrew Mwangura oo ah madaxa Hay’adda Bad-mareennada Bariga Afrika, kaasi oo ahaa in Shiikh Yuusuf Indha Cadde uu xiriir la leeyahay Kooxaha Burcad Badeedka, isla markaana uu xashiishka ka ganacsado, wuxuuna Shiikh Yuusuf sheegay in hadalkaas uu yahay mid uu Mwangura doonayo in uu Caalamka ku marin-habaabiyo.

“Aniga Burcad Badeed xiriir lama lihi, hadalkaasina waa mid aan sal lahayn, burcad badeedka waxaan ognahay in uu xiriir ka dhaxeeyo Puntland waayo Cadde Muuse ayaa sheegay in ay Kooxaha Burcad Badeedka ah degan yihiin oo ay guryo ku leeyihiin Boosaaso iyo Garowe”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in Xashiishka lagu eedeynayo in uu ka ganacsado iska daaye ay xitaa gubi jireen intii uu maamulka Shabeelaha Hoose hayay.

Dhanka kalena Shiikh Yuusuf mar uu ka hadlayay khilaafka soo kala dhexgalay Madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta waxaa uu sheegay in Shiikh Shariif uu yahay Amiirkooda balse ay kaga soo horjeedaan heshiiska uu Jibouti kula galay Dowladda Federaalka, wuxuuna intaas ku sii daray in Shiikh Shariif uu imaan karo Soomaaliya, gaar ahaan Shabeelaha Dhexe.

“Shiikh Shariif waa Amiirkeena waana imaan karaa Shabeelaha Dhexe, laakin dhinacyada kale oo ay ka mid yihiin Cabdi Qeybdiid, Morgan iyo Darwiish ma aqbali karno in ay imaanayaan, uma heysanno in ay imaanayaan”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in heshiiskii Jibouti uu ahaa mid aan xalaal ahayn.

Shirka Jaraa’id ee uu Shiikh Yuusuf Indha Cadde qabtay ayaa wuxuu ahaa midkii ugu horeeyay oo uu si weji ka weji ah saxaafadda ugu qabto Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu meesha ka baxay maamulkii Maxkamadaha Islaamka dabayaaqadii sanadkii 2006.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia