Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda Somaliland oo Hargeysa yimid, kana hadlay Dayntii loogu qabsaday Addis-Ababa

Cabirka Farta

Talaado, September 02, 2008(HOL): "10:00-kii maanta (shalay) ayaan Hargeysa soo galay, maan soo raacin Diyaarad ee Addis-Ababa ilaa Hargeysa dhulkaan soo maray. Caafimaadkayguna haddeer waa ladan yahay oo waanigan soo noqday oo dan baa tidhi. Waayo, soo-noqo markii hore ismaan lahayn ee waxaan is-lahaa meel dheer Caafimaadkaaga kaga soo baaraandeg. Laakiin, way ii suurtogeli wayday taasi, sababtana waa la ogyahay.” Sidaa waxa hadal kooban oo uu siiyay Wargeyska Ogaal ku bilaabay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Yuusuf Ciise (Tallaabo) oo dhawr bilood oo uu Magaalada Addis-Ababa fadhiyay ka dib shalay ku soo laabtay dalka.

Yuusuf-Tallaabo inkasta oo uu shalay hadh-soo-korkii soo galay Magaalada Hargeysa, haddana 10-kii iyo daqiiqado wuxuu ka muuqday Xarunta Madaxtooyada. Wuu ka gaabsaday inuu bixiyo Waraysi su’aalo badan lagu waydiiyo, waxaanu ku cudur-daartay inuu wax badan gadaal ka hadli doono, balse haatan uu hadalkiisu ku kooban yahay mahad-naq. “Imika ma doonayo inaan wax badan sii galo, laakiin waxaan u mahad-naqayaa guud ahaan Saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland oo uu ugu horreeyo Wargeyska Ogaal. Sidoo kale waxaan u mahad-naqayaa dhammaan dadkii kale ee gurmadka iiga soo sameeyay dibed iyo gudo-ba. Dadka reer Somaliland-na guud ahaan waxaan u sheegayaa, inaan halgankii Somaliland-nimada halkiisii ka sii wadayo.” Ayuu yidhi Wasiir Tallaabo.

Ka dib qaylo-dhaantii Wasiir Tallaabo ka soo laliyay Addis-Ababa, waxa la sheegay in Madaxtooyadu ay degdeg uga jawaabtay baaqiisaa gurmad-doonka ahaa, isla markaana siday tibaaxeen Warar laga soo xigtay ilo lagu kalsoon yahay ay isla markiiba ka bixiyeen kharashkii Hotel-ka ee loo haystay Wasiirka. Sidaas darteed, waxa Yuusuf-Tallaabo la waydiiyay su’aashan, “Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumadda aad ka midka tahay miyaanad u mahad-naqaynin mar haddii ay kharashkii lagaa bixiyey?.” Hase yeeshee, Wasiir Tallaabo su’aashaa wuxuu ka bixiyay jawaabtan, “Midhkaa iyaga u mahad-naqi mayo. Laa Shukra calal waajib. Nin baa wuxuu yidhi, waa goorma, waa goor aan galay Gacan Ogaadeene. Sababta aan meesha ugu hakaday iyo dayacaba Dawladdaa leh oo I dayacday. Dawladduna ma wada laha ee qaar baa leh, waliba waa tiro yar. Rag tiro yar oo tirsan weeye, hase ahaatee wixii Siyaasad ah iyo xogta inta hadhayba Warbixinno badan ayaan ka samayn doonaa. Laakiin maanta, waa mahad-naqii iyo soo-noqodkayga inaan Umadda u sheego.”

Yuusuf Ciise (Tallaabo) ka hor intii aanu Addis-Ababa u safrin ee aanu mashaqada ka qaylisiisay la kulmin, wuxuu ahaa Gantaal duullimaad ku ah Xorriyadda Saxaafadda, isla markaana duqeeyay Xarumaha Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha, waxaanu Albaabada u laabay Hay’addii kulminaysay Ururada ilaalinta Xuquuqal-Insaanka. Hase ahaatee, waxa maanta loo arkaa nin ka faa’iday Xorriyadda Saxaafadda. Mar aanu isla arrintaa wax ka waydiinayna wuxuu ku jawaabay, “Saxaafaddu waa Carrab. Nin baa bari adeegihiisii ku yidhi, Cadka Hilib ugu fiican soo iibi, markaasuu Carrab Lo’aad soo iibiyay. Maalin kale ayuu haddana ku yidhi, Cadka Hilib ugu xun soo iibi. Markaasuu Carrab soo iibiyay oo u keenay. Ninkiibaa inta uu Adeegihiisii la yaabay ku yidhi, waar waa sidee?! Hase yeeshee, Adeegihii si fudud buu ugu jawaabayoo wuxuu ku yidhi, Carrabku isagaa waxna xumeeya, waxna hagaajiya. Markaa Saxaafaddu waa sidaas oo kale. Midda kale, Al-balaaqatu Minal-Sixir bay Carabtu tidhaahdaa. Gabyaaga, Heesaaga, Saxaafadda dhaqanka iyo Saxaafadda Casriga ah oo ah tan aad maanta gacanta ku haysaanba balaaqad bay leeyihiin. Markaa, hadal waayeel waa guud-mare, Saxaafadda Madaxa bannaan markay kula jirtana waa waxtar oo waa waxaad u jeceshahay. Markay kaa jirtana waa waxyeeladaada oo waa waxa aad u neceb tahay. Markaa waa Carrabkaa xasanaadka iyo xumaanta-ba leh. Hase ahaatee, maanta waxaan uga mahad-naqayaa xagga wanaagga iyo waxtarka Xorriyadda Saxaafadda. Waxaanse haatan hadalkayga ku gunaanadayaa, Libaax Nin ganay iyo Nin galladay kala oge, waa inoo mar kale.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland