![]() |
| Wasiirka Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Ashkir |
“Haddii Alle idmo Dowladda Federaalka tallaabo ayay ka qaadi doontaa qolyaha qabsaday Magaalada Kismaayo, gacanta Dowladda ayayna soo geli doontaa”ayuu yiri Wasiirka Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/risaaq Ashkir Cabdi.
Wasiirka ayaa sheegay in ay magaalada Kismaayo ay ku duuleen Qabiillo is-abaabulay, kuwaasi oo uu sheegay in ay si bareer ah u weerareen magaaladaas oo ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
“Haddii qolyaha Kismaayo la wareegay ay Dowlad raadsanayeen halkaas Dowlad ma joogin, sidoo kalena haddii ay Ciidamo Itoobiyaan ah raadsanayeen ma joogin Ciidamo Itoobiyaan ah, waxayna taasi caddeyneysaa in qolyahaas ay si bareer ah u weerareen Kismaayo, weliba Ramadaan hortiis”ayuu yiri C/risaaq Ashkir Cabdi.
Wasiirka waxaa uu sheegay in Dagaallo ka dhacay Kismaay ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, burbur hantiyeed iyo weliba barakac baahsan, wuxuuna xusay in dad badan oo ka barakacay Magaalada Kismaayo ay u kala firxadeen Dalalka Kenya iyo Itoobiya iyo weliba qaar ka mid ah Gobollada Dalka.
Hadalka uu sii daayay Wasiirkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ka hadlayay Arrinta Kismaayo uu u sheegay Laanta Afka Soomaaliya ee VOA-da in aaney jirin cid xoog wax ku qabsan karta, isagoo caddeeyay in ciddii sidaas wax ku dooneysa ay tallaabo ka qaadi doonaan.
“Dalka Axdi KMG ah ayaa u yaalla Cid aan Dowladda ahayn oo Ciidamo dalka gudahiisa ku yeelan karta ma jirto, cid xoog wax ku qabsan kartana ma jirto, ciddii sidaas ka waantoobi weysa Dowladda tallaabada ku haboon ee xaqa ah ayay ka qaadi doontaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in Dowladda Federaalka ay intii itaalkeeda ah wax qaban doonto waqtiga u harsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
