Talaado, September 02, 2008(HOL): Ciidamada Booliska magaalada Berbera ayaa xidhay Shan Nin oo looga shikiyay sida la sheegay inay hawlo budhcad-badeed-nimo ka abaabulayaan Biyaha Somaliland.
Shantan qof oo isugu jira muwaadiniin reer Somaliland ah iyo xubno u dhashay Maamul-goboleedka Puntland. Waxay ciidamada Boolisku saqdii dhexe ee Habeen hore ka kala qabteen laba guri oo ku yaala Xaafada Daaroole ee magaalada Berbera. Iyadoo sidoo kalena la xanibay Laba Laash oo lagu tuhmay inay ku hawl-galayeen.
Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo wax laga waydiiyay dhac-dadan ayaa ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo. “Waa Deg-deg, weeye, Arrimuhu inta ay baadhista ku jiraan waxba ka sheegi mayno.” Sidaas ayuu yidhi Taliyaha Bolisku, sidoo kale Taliyaha Qaybta Boliska Berbera, Maxamuud Ubaxle oo aanu weydiinay sababta ay u kuskadeen xadhiga dadkan ayaa ka war-wareegay xataa inuu caddeeyo inay xidheen Shantan nin ee warku sheegay in Saldhiga Boliska Berbera lagu hayay shalay. Hase ahaatee, waxa jira tibaaxo laga helay Ilo u dhuundaloola arrintan oo muujinaya in ragan lala soo qabtay Hub kala duwan. Islamarkaana muddo lagu daba jiray.
Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa horaantii Bishii March ee Sanadkan ku qab-qabtay magaalada Xuduudka ah ee Wajaale koox rag ah oo lagu eedeeyay inay ka mid-yihiin Budhcad-badeed, ka hawl-gala Bad-weynta India, gaar ahaan deegaamada uu ka taliyo Maamul-goboleedka Puntland, kuwaasoo Markii danbe la sheegay in Madaxweyne Rayaale amar ku bixiyay in la sii daayo. Ka dib markii la waayay cid arrimaha loo qabtay ku eedaynaysa oo la soo xidhiidhay Somaliland.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland