Abuu Mansuur oo u digay Dowladda Kenya

Cabirka Farta

Arbaco, October 15, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa wuxuu digniin u diray Dowladda Kenya oo uu ku eedeeyay in ay Ciidamo u soo tababareyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in Kenya ay ballanqaaday in ay 10 Kun oo Askari u soo tababareyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay taasi u arkayaan mid ay Dowladda Kenya ku faragelineyso Arrimaha Soomaaliya.

“Dowladda Kenya waxaan leenahay markii nala duqeynayay waxay diyaaradihii na duqeynayay ka soo kacayeen Dalkiina, kadibna dadkii ka cararay duqeyntaas ayaad xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ka qabateen, waxaadna u gacan-geliseen cadaw”ayuu yiri Abuu Mansuur oo Kenya ugu baaqay in ay faraha kala baxdo Arrimaha Soomaaliya.

“Haddii Dowladda  Kenya faraha kala bixi weyso Arrimaha Soomaaliya, waxay nagu arki doontaa meelo ka mid ah Kenya”ayuuna hadalkiisa ku sii daray Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Ugu dambeyntiina Shiikh Mukhtaar Roobow Warbaahinta Muqdisho shir jaraa’id ugu qabtay qadka Taleefoonka waxaa uu sheegay in ay Shiikh Xuseen Cali Iidow u magacaabeen Xafiiska Siyaasadda iyo Gobollada ee Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia