Weerar madaafiic loo adeegsaday oo xalay lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Cabirka Farta

Arbaco, October 15, 2008(HOL): Weerar madaafiic loo adeegsadya ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

Weerarkaas madaafiicda loo adeegsaday ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen labo askari oo ku sugnaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo, halka aan wax war ah laga heynin haddii uu jiro khasaare soo gaaray Ciidamada ku sugan Garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo Itoobiyaan ah.

Weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee xalay lagu qaaday labadaas goobood ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo xalay ay xarunta madaxtooyada ka dhacday xaflad lagu weyneynayay sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegatay markii xilka madaxweynenimada loo  dhaariyay C/llaahi Yuusuf Axmed iyo iyadoo shalay ay garoonka Diyaaradaha Baydhabo soo gaareen Ciidamo hor leh oo Itoobiyaan ah.

Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka mid ah Xoogagga sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen weerarradaas madaafiicda loo adeegsaday ee lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

Wuxuu ahaa weerarkii seddexaad oo lagu qaado Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, waxaana horay u jiray labo weerar oo sidan oo kale madaafiic loo adeegsaday, kuwaasi oo ay waxyeello ka soo gaartay Ciidamo ku sugnaa labadaas goobood.

Si kastaba arrintu ha ahatee, Weerarka madaafiicda loo adeegsaday ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay uu hagaagsanaa ammaanka magaalada Baydhabo oo dhawaanahan soo xumaanayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia