Arbaco, October 15, 2008(HOL): Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa shalay looga dhawaaqay maxkamad Islaami ah, taasi oo dadka ku dhaqi doonta Shareecada Islaamka.
Shiikh Gadaashey oo ka mid ah mas’uuliyiinta Maxkamaddan ayaa wuxuu u sheegay Dadka ku dhaqan Baardheere in ay Maxkamaddan wax ka qaban doonto ammaanka magaalada, sidoo kalena ay dadka u horseedi doonto in ay Shareecada Islaamka isku xukumaan.
Dadka ku dhaqan Magaalada Baardheere ayaa waxay soo dhaweeyeen Maxkamadda Islaamiga ah ee loo sameeyay, waxayna sheegeen in ay rajeynayaan in ay Maxkamaddan wax ka bedeli doonto falal amni darro ah oo magaalada ka dhici jiray.
Ciidamo ka amar qaata Maxkamaddan ayaa saaka lagu arkayaa Saldhigga Booliska Magaalada Baardheere iyo weliba Buundada Magaalada, waxayna wadaan dhaqdhaqaaqyo ay amniga ku sugayaan.
Maxkamaddan looga dhawaaqay Magaalada Baardheere ayaa waxay tahay middii labaad ee looga dhawaaqo Gobolka Gedo, waxaana dhawaan Maxkamad Islaami ah looga dhawaaqay Magaalada Ceel-Waaq ee Gobolka Gedo, iyadoo sidoo kalena la filayo in Degmooyin kale oo gobolka ka tirsan looga dhawaaqo Maxkamado Islaami ah.
Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay tahay mid Istaraatiiji ah oo isku xirta Gobollada Gedo, Jubbooyinka, Bay iyo Bakool, waxayna gacan ku heynteeda muhiim u tahay Xoogagga Islaamiyiinta ah ee ku sii baahaya Gobollo badan oo ka tirsan Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia