Arbaco, October 15, 2008(HOL): Xaaji Abuukar Caddaan oo ka mid ah aas-aasayaashii Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu ka digay in Madaxda Maxkamadaha Islaamka ay la mid noqdaan hoggaamiye kooxeedyadii ay maxkamadaha ka adkaadeen.
Xaaji Abuukar oo isagoo ku sugan Dalka Boqortooyada Sacuudiga u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay in ay is-khilaafaan madaxdii maxkamadaha Islaamka, isla markaana ay kala tagaan.
“Waxaan ku talinayaa in khilaafyada jira laga gudbo, isla markaana laga shaqeeyo midnimo iyo wada-jir in ay isugu soo noqdaan madaxda Maxkamadaha Islaamka”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.
Waxaa uu ka hadlay Xaaji Abuukar waxa keenay in ay wiiqanto awooddii maxkamadaha Islaamka, wuxuuna sheegay in ay taasi ugu wacneyd in markii maxkamadaha ay la wareegeen awoodda dalka uu qof walba oo maxkamadaha Mas’uuliyiinteeda ka mid ahaa uu iska sameynayay wixii uu doono, “kala dambeyn la’aantaas iyo iyadoo uu qof walba iska sameynayay wixii uu doono ayaa waxay keentay in ay wiiqanto awooddii maxkamadaha waayo Alle ma ogola jowr-falka”ayuu yiri Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.
Mar wax laga weydiiyay sida uu u arkayo dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa wuxuu sheegay in dib u heshiisiinta loo baahan yahay in ay dhexmarto dadka Soomaaliyeed, wuxuuna meesha ka saaray in ururro iyo dalal kale ay heshiisiin karaan Soomaalida.
Hadalka uu sii daayay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaaf soo kala dhexgalay Madaxda Midowga Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo fariisimo ka kala dhigtay Dalalka Jibouti iyo Eritrea oo uu qudhooda ay colaad u dhaxeyso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia