MAXAMED DHEERE: “Wey burburtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, mana jirto Dowlad iga dambeysay oo jirta”

Cabirka Farta

Arbaco, October 15, 2008(HOL): Guddoomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday  Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in aysan wax dowlad ah ka jirin Soomaaliya.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay burburtay Dowladda Federaalka Soomaaliya, wixii ka dambeeyay markii xilka guddoomiyenimada gobolka Banaadir laga qaadayna aysan jirin wax dowlad ah“Wey burburtay Dowladda Federaalka, mana jirto Dowlad iga dambeysay oo jirta” ayuuna yiri Maxamed Dheere.

Waxaa uu sheegay Maxamed Dheere in nidaam dowladeed ay u dambeysay markii uu xilka Guddoomiyenimada hayay, wuxuuna xusay in markaas ay jireen Dhaqdhaqaaqyo ka socday Xafiisyada Dowladda.

Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo uu ku eedeeyay in uu xiriir la leeyahay kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, wuxuuna taasi ku sababeeyay in uu ka dhoofay, kana soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo xiran, madaafiicna lagu garaaco, xili buu yiri madaxweyne C/llaahi Yuusuf la weerarayay marka uu dalka ka dhoofayo iyo marka uu ku soo noqonayo.

Intaa kadib waxaa uu ka hadlay Maxamed Dheere maamul u sameynta Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in uu soo dhaweynayo in gobolka Banaadir loo sameeyo maamul ay dadka soo doorteen, wuxuuna caddeeyay  in haddii wax la dooranayo isaga la dooran doono, “Haddii Dowladnimo la rabo aniga ayaa la i dooran doonaa, maxaa yeelay waa la arkay wixii aan qabtay intii aan hayay Guddoomiyenimada Maamulka Gobolka Banaadir”ayuuna yiri Maxamed Dheere, Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia