Arbaco, October 15, 2008(HOL): Maamulka DGPL ayaa Burcad Badeeda uga digay in ay afduutaan Doomaha iyo Maraakiibta Shixnadaha u soo wada Dekada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsi ee Puntland.
Wasiirka Dekadaha iyo aulluumaysiga Puntland Axmed Siciid Aw-Nuur oo ka qayb galay kulan looga hadlayay waxyeelada Burcad Badeedda ayaa sheegay in dagaal adag uu Maamulka Puntland la geli Burcadda Afduubayda ka wadda Xeebaha Puntland.
"Waan Ogahay in awoodda Burcadda ay aad u saraysay labadii bilood ee u danbaysay, balse waxaa ka badnaan doonta tan aan u adeegsan doono" sidaasi waxa yiri Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumaysiga Puntland.
Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumaysiga Puntland ayaa tilmaamay in la burburin doono dhamaan goobaha laga taageero Burcadda ee ku yaala Gudaha Puntland, isla markaana cid kasta oo caawisa sharciga la geyn doono.
Hadalka ka soo yeeray Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumaysiga ayaa ku soo beegmaya maalin un kadib narkii Ciidamada Maamulka Puntland uu xoog ku soo furtay markab u rarnaa ganacsato Somaaliyeed, kaasi oo todobaad ka hor laga afduubtay xili uu marayay Xeebaha Gacanka Cadmeed.
Lama oga waxa uu hadalka ka soo yeeray Maamulka Puntland ka badali doono af-duubyada ku soo badanaya Xeebaha Gacanka Cadmeed ee ku teedsan Biyo Badeedka Puntland.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia