Dadka Muqdisho sidee bey u arkaan Doorashada Madaxweynenimo ee uu ku guuleystay Barack Obama?

Cabirka Farta


Arbaco, November 05, 2008(HOL): Waxaa maanta si weyn looga hadal hayaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay Dadka isugu yimaadaan doorashada Dalka Mareykanka ee ay ku tartamayaan Xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ee Dalkaas ka jira.

Meelaha ay Dadka isugu yimaadaan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta si weyn looga hadal hayaa natiijo doorashadaas ka soo baxday oo ku saabsan in Doorashada Madaxweynenimada Mareykank uu ku guuleystay Senator Barack Obama oo 47 sano jir ah, kaasi oo u tartamayay Xisbiga Dimoqraadiga.

Inta badan dadkii aan la kulannay ee aan warsannay sida ay u arkayaan in doorashada madaxweynenimada Mareykanka uu ku soo baxay Barack Obama ayaa waxay soo dhaweynayaan guusha uu gaaray Xisbiga Dimoqraadiga, gaar ahaan Barack Obama oo ah nin asalkiisa ka soo jeedo Bariga Afrika, gaar ahaan Dalka Kenya.

Sababaha ay Dadka u soo dhaweynayaan in Barack Obama uu madaxweyne ka noqdo dalka Mareykanka ayaa aad u badan, qaarkood waxay sheegayaan in Obama uu yahay nin u qalma in uu xiligan hoggaamiyo Dalka Mareykanka oo siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan maareyn u baahan, in uu wax ka bedeli doono Arrimaha siyaasadda Ciidamada Dibadaha ka jira Mareykanka, in uu Xiriirka Dibadda ee Mareykanka uu hagaajin doono.

Qaar kale oo aan si Caalami ah u eegeynin doorashadaas, isla markaana la murugeysan dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya ayaa waxay qabaan in Barack Obama uu arrimaha Dalka Soomaaliya wax ka qaban, gaar ahaan in uu kaalin weyn ka geysan karo in ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya.

Laakin waxaa jira Dad aad u badneyn oo qaba in Mareykan uu madow iyo caddaan waxba is-dhaamin, isla markaana ninkii la doortaba uu danaha  Mareykanka meel-amrin doono, isla markaana lagaba yaabo in uu qaado dhabihii uu ku maray Maamulkii Bush ee ka horeeyay marka la eego Arrimaha Qaaradda Afrika, gaar ahaan tan Geeska Afrika.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaad mooddaa in Soomaalida badan ku sugan Magaalada Muqdisho ay u soo dhaweynayaan doorashada Madaxweynenimo ee Barack Obama in uu yahay nin Madow oo weliba intii uu ololaha doorashada ku jiray lagu qal-qal geliyay Dhar Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida muujinaya oo uu Nin Soomaali ah ugu xiray Gobolka W/bari ee Kenya, xili uu booqashooyin ku kala bixinayay Dalka Kenya oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia