Dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay baaqii Culumaa’udiinka ee ahaa in ay shirweyne xal-doon ah qabanayaan

Cabirka Farta

Arbaco, November 05, 2008(HOL): Mas’uuliyiin u kala hadlay Dhinacyada uu u qeybsamay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay siyaabo kala duwan uga hadleen baaq ay dhawaan jeediyeen Culumaa’udiin Soomaaliyeed, kuwaasi oo sheegay in ay dhexdhexaadinayaan dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, gaar ahaan garabka Maxkamadaha Islaamka.

Ustaad Axmed C/llaahi oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ayaa wuxuu sheegay in ay soo dhaweynayaan baaqii ay soo jeediyeen culumaa’udiinkaas ee ahaa in ay dhexdhexaadinayaan dhinacyada uu khilaafka soo kala dhexgalay ee Maxkamadaha Islaamka.

Ustaad Axmed C/llaahi waxaa uu caddeeyay in ay soodhaweynayaan cid kasta oo dooneysa in wada hadal lagu raadinayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in culumaa’udiinka baaqa soo saaray looga fadhiyo inay si cadaalad ah wax u dhexdhexaadiyaan.

Laakin Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara, isla markaana dhawaan sheegay in loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka, bacdamaa sida uu yiri uu Shiikh Shariif Shiikh Axmed ka leexday nidaamkii lagu heshiiyay ayaa wuxuu sheegay in ay culumaa’udiinka baaqa soo saaray u arkayan kuwo aan dhexdhexaad ahayn.

Dr. Cumar Iimaan waxa uu sheegay in Culumaa’udiinka sheegay in ay dhexdhexaadin sameynayaan ay yihiin kuwo aan dhexdhexaad ahayn oo la safan Garabka Isbaheysiga ee Jibouti ku sugan, wuxuuna sheegay in qaar ka mid ah Culumaa’udiinka baaqa soo jeediyay ay Jibouti tageen, isla markaana ay safarro la galeen mas’uuliyiinta Isbaheysiga  ee fadhigoodu yahay Jibouti.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo Culumaa’udiinka baaqa soo jeediyay Afhayeen u ah ayaa wuxuu beeniyay eedeynta uu u soo jeediyay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Asmara, wuxuuna sheegay in haddii aysan dhexdhexaad ahayn aysan ku dhawaaqi lahayn in ay wax dhexdhexaadinayaan.

“Annaga dhinac ma raacsanin, haddii aan cid raacsanahayna wax maba dhexdhexaadin karno” Shiikh Nuu Baaruud Gurxan oo sheegay in aysan ujeeddo gaar ah ka lahayn shirka ay ku baaqeen ee ay ku dhexdhexaadinayaan dhinacyada is-khilaafay ee Maxkamadaha Islaamka.

Ugu dambeyntiina, Culumaa’udiinkan dhexdhexaadinta wada ayaa waxaa ka mid ah Shiikh Nuur Baaruud Gurxan, Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley, Shiikh Cumar Garweyne, Shiikh Macallin Salaad, Shiikh Bashiir Axmed Salaad, Shiikh Cusmaan Ibraahim, Shiikh Nuur Cali Jaamac, Shiikh Axmed Iimaan, Shiikh Cali Warsame, Shariif C/Nuur, Shiikh Maxamed Nuur Qawi, Shiikh Maxamuud Ciise, Shiikh Abuu Bakar Shiikh C/raxiin iyo kuwo kale oo badan oo qaarkood iyagoo dibada jira wakaalado soo dhiibteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia