Arbaco, November 05, 2008(HOL): Waxaa maalintii shalay soo gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobalka Hiiraan wafdi uu horkacayo Shiikh Shariif Shiikh Axmed Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya, garabka Jabuuti iyo wafdi uu horkacayo kuwaas oo ka soo kicitimay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellada dhexe oo maalmihii ugu danbeyay ay ku sugnaayeen.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne oo sanadihii aynu soo dhaafnay marba la kulmayay Nidaamyo is-bad badalaya oo ay kala hoggaaminayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamiga ayaa u muuqda kuwo u arka imaanshiyaha Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed fursad ay wax badan uga ogaan karaan Siyaasada Isbaheysiga iyo waliba yoolka la higsanayo mustaqbalka dambe.
Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu maalintii shalay ka soo degay Shiikh Shariif Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne waxaa ay hadal heynta ugu badan ee Magaaladu aheyd mid ku saleysan Siyaasadda Isbaheysiga garabka uu hogaamiyo Shariifka iyo waxa ugu danbeytii ka soo baxi kara kulamada la filayo in uu la qaato qeybaha Bulshada.
Marka aad hoos u sii dhexgasho fikradaha dadku ka qabo Siyaasadda Shiikh Shariif Shiikh Axmed ee ku wajahan Nabadda waxaa kuu soo baxaya in 85% dadku la dhacsan yahay, gaar ahaan waxaa ay farta ku fiiqayaan in uu yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed Siyaasi fur furan, qunyar socod ah, isla markaana doonaya in wax walba lagu dhameeyo wada hadal iyo is-fahan maadaama la soo dhaafay waqtigii dagaalka.
Laakiin marka laga soo tago tirada badan ee qabta in Shiikh Shariif uu yahay shaqsi Nabadeed ayaa hadana dhinaca kale waxaa la oran karaa waxaa jira dad iyagu aaminsan in Shariifku yahay Wadaad doonaya in uu u xuubsiibto dhinaca Dowladda Federaalka, waana tan keentay ayaa la leeyahay in uu Shiikh Shariif uu ka soo leexdo Saaxiibadiisii hore oo ay mar dhinac ka soo wada jeedeen.
Balse waxaa hubanti ah in dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne si weyn u doorbidayaan in la horumariyo fikradda cusub ee ah in wax lagu xaliyo Nabadda "Haddii uu Shiikh Shariif awood u leeyahay in uu dalka ka saaro Ciidamada Shisheeye iyadoo aan dhiig la daadin, ma garan karo wax lagu diidayo” ayuu yiri Wiil dhaliyaro ah oo ay HOL weydiisay sida uu arko aragtida Shiikh Shariif ee ah Dagaalka la joojiyo lana qaato Nabadda.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maalintii shalay ahayd soo gaaray Magaalada Beledweyne ayaa isaga iyo waliba wafdiga uu horkacayo waxaa ay wali ku sugan yihiin Hotel Madiina oo ah halkii maalintii shalay ay ku soo dageen, waxaana la filayaa in Saacadaha dambe ee maanta uu bilaabo wada hadallo uu la qaadanayo dhamaan qeybaha Bulshada ka kooban tahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Sidee loo arkaa Booqashada Shiikh Shariif iyo Wafdigiisa ee Magaalada Beledweyne?
Cabirka Farta
More News
- Senator Barack Obama oo loo doortay Madaxweynaha 44aad ee Mareykanka
- Dadka Muqdisho sidee bey u arkaan Doorashada Madaxweynenimo ee uu ku guuleystay Barack Obama?
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo weli isku dhejinaya Magaalada Nairobi kadib markii laga kaxeeyay Muqdisho iyo Baydhabo oo amni darro ay ka jirto
- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Gargaarka Bani’aadannimo ee Somalia oo ka hadlay Kulan uu la qaatay Madaxweyne Rayaale iyo tallaabada ay qaadayaan Qaraxyadii Hargeysa kadib
- Dhinacyada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo siyaabo kala duwan uga hadlay baaqii Culumaa’udiinka ee ahaa in ay shirweyne xal-doon ah qabanayaan
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Dadka ku dhacaan inta u dhaxeysa Igoysyada Sayidka iyo Howl-Wadaag