Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay Dadka ku dhacaan inta u dhaxeysa Igoysyada Sayidka iyo Howl-Wadaag

Cabirka Farta

Arbaco, November 05, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo fariisin ku leh inta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka iyo Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay dhac u geystaan Dadka iyo Gaadiidka Wadadaas isticmaala.

Darawallada kaxeeya gaadiidka BL-ka ah ee ka shaqeeya inta u dhaxeysa Isgoyska Howl-Wadaag iyo Degmada Xamar-weyne ayaa waxay sheegeen in Ciidamo ku sugan Isgoyska Sayidka ay dadka dhacaan, isla markaana ay ka qaataan Lacag iyo Taleefoonno Mobile ah wixii ay wataan.

Mid ka mid ah Darawalladan ayaa sheegay in Ciidamada ay marka hore iska dhigaan in ay gaadiidka u baaraan qaab amni sugid ah, hadana waxaa uu xusay in aysan taasi sameynin oo markaasina ay dadka jeebabkooda baartaan, dhacna u geystaan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed G/lle dhexe C/llaahi Xasan Bariise uu sheegay in tallaabo laga qaadi doono Askarigii lagu helo isagoo ku lug leh falal sharci darro ah, wuxuuna caddeeyay in ay magaalada ku soo deyn doonaan Ciidamo raadinaya askarta sharci darrada ku dhaqaaqda.

Haddaba iyadoo uu Afhayeenka u hadlay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa soo yeereysa cabasho ka imaaneysa Darawallada Gaadiidka BL ah ee ka dhex shaqeeya Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay Ciidamada ka qaadaan lacag aan sharci ahayn oo sii socod iyo soo socod ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia