Wakiilka Qaramada Midoobay ee Gargaarka Bani’aadannimo ee Somalia oo ka hadlay Kulan uu la qaatay Madaxweyne Rayaale iyo tallaabada ay qaadayaan Qaraxyadii Hargeysa kadib

Cabirka Farta

Isu-duwaha Xafiiska Arrimaha Gargaarka ee Q/Midoobay u qaabilsan Somalia/Somaliland Mr. Mark Bowden
Arbaco, November 05, 2008(HOL): Isu-duwaha Xafiiska arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia/Somaliland Mr. Mark Bowden ayaa sheegay in kulan dhex maray Madaxweyne Rayaale ay kaga wada hadlaan arrimo ay ka mid yihiin, kaalinta Qaramada Midoobay ka qaadan karto amniga Shaqaalahooda S/land, Xaaladda waqtigan dalku ku sugan yahay. Waxaanu sheegay in Weerar maalin kaliya dhacay aanu Somaliland ka hakinayn taageero uga timaadda Beesha Caalamka.

Mr. Mark Bowden oo Shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa ka dib markii uu dalka shalay soo gaadhay, ayaa ka waramay ujeedada Socdaalkiisa Somaliland. “Waxaan Somaliland u yimi inaan ka hadlo sida aan uga xumahay weeraradii axmaqnimo ee Hargeysa. Kuwaas oo runtii ahaa qaar laga xumaado dhimashada dad aan waxba galabsan  iyo dad daacad u ahaa taageerada horumarka Somaliland.” ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxa kale oo aan booqashadayda aan halkan (Somaliland) u imi inaan ka hadlo aragtidayda ku wajahan Weerarkii Xarunta UNDP, waxaan aad uga xumahay inaan arko miisaanka dhibta iyo dhaawaca soo gaadhay.” Mr. Mark waxa uu sheegay in uu kulan la yeeshay Madaxweyne Rayaale, isla markaana uu u sheegay inay sii wadi doonaan taageerada horumarineed ee Somaliland.

“Waxaan kulan la yeeshay Madaxweyne Rayaale, si aan ugu tebiyo in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay sii waddo oo ay sii wadi doonto taageerada horumarka Somaliland..Sidaa darteed, Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageerada dhaqdhaqaaqyada horumarineed ee halkan (Somaliland), waxaananu isku dayi doonaa inaanu farriin u dirno Deeq-bixiyayaasha iyo dalalka kale in geeddi-socodkii horumarineed ee Somaliland aanay joojin doonin dhacdooyin maalin kaliya ahi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Somaliland looma ciqaabi doono calaamado digniin ah (Weeraradii dhacay), Beesha Caalamkuna waa inaanay joogtayn oo kaliya horumarinta, balse ay kor u qaaddaa taageerada horumarineed ee Somaliland. Waxaan rejaynaynayaa inaynu arki doono bilaha soo socda kulan ku saabsan kordhdhinta taageero oo ay isugu iman doonaan Hay’adaha Caalamiga ahi.”

Isu-duwaha Xafiiska arrimaha gargaarka bani’aadamnimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia waxa kale oo uu sheegay in ay Madaxweyne Rayaale ka wada hadleen sidii loo samayn lahaa iskaashi Caalami ah oo ku saabsan Argagixisada. “Waxa kale oo aanu ka hadalnay inaanu soo jiidano in la abuuro wada-shaqayn waadix ah oo Caalami ah, gaar ahaan ku saabsan dhinaca argagixisada. Waxa muhiim ah inay jirto is-weydaarsi xogeed iyo in dadku si wada-jir ah uga shaqeeyo sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay dembiyadan (Weeraradii lagu soo qaaday Somaliland).” ayuu yidhi Mr. Mark.

Waxa kale oo uu Mr. Mark ka hadlay Qaxootiga ka soo qaxay Somalia ee ku sugan Somaliland, isaga oo sheegay in aanay cid gaar ah ku eedaynayn Weeraradii dhacay. Waxaanu sheegay in ay taageero kasta oo ay awoodaan u fidinayaan Somaliland. “Waxaan ogahay in Somaliland ay ku sugan yihiin dad ka soo baro-kacay Koonfurta iyo bartamaha Somalia, waqtiganna baahiyaha qof kastaa way badan yihiin, waa muhiim in loona baahan yahay in la daryeelo. Ma doonayno inaanu Koox eedayno, waa inaanu helno dadkii ku lug-lahaa (Weerarada), lana hor keeno Sharciga..Sidoo kale Qaramada Midoobay ahaan taageero kasta oo aanu awoodno waanu u fidinaynaa Dawladda Somaliland, si loo soo bandhigo kuwii soo abaabulay dembiyadan. Iyada oo la marinayo qaab-Sharciyeedka ku habboon ee laga fursan waayo.” Ayuu yidhi Mark Bowden. Ka hor intii aanay Suxufiyiintii ka socotay Warbaahintu aanay halkaa su’aalo ku waydiin Mr. Mark, waxa uu sheegay in ay xoogga saari doonaan amniga Shaqaalahooda, isla markaana ay si ku-meel-gaadh ah ugu wareejin doonaan goobo kale. Balse aanay taasi noqon doonin mid abid waaraysa.

 “Ugu dambayn, waxaan leeyahay UNDP ahaan, waxaanu diiradda saari doonaa Amniga iyo in Shaqaalayagu amni buuxa helaan. Taa macnaheedu waxa weeye, sidaad ogtihiinba inaanu si ku-meel-gaadh ah qaar ka mid ah Shaqaalayaga u geyn doono meelo kale inta aanu xaaladda qiimaynayno. Sidaa darteed, waanu garan karnaa waqtiga aanu dib shaqada u bilaabayno, ka hor intaananu bilaabin waa in aanu ilaalinaa amniga Xafiiskayaga.” Ayuu yidhi Mark Bowden.

Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sidoo kale waxaanu waqti siin doonaa oo aanu diirradda saari doonaa, isla markaana joogtayn doonaa ilaalinta dhaqdhaqaaqa gargaarka bani’aadamnimo iyo badbaadinta nolosha Somaliland. laakiin, sidaan sheegay waxa jira ballanqaadyo aanu taageero buuxda ku siinayno dhaqdhaqaaqyada horumarineed. Taasi waxay u baahan doontaa mustaqbalka in siyaabo kala duwan looga shaqeeyo, laakiin ballan-qaadka ah in la taageero Somaliland waa mid jira.”

Intaa ka dib waxa halkaa lagu waydiiyay su’aalo kala duwan, su’aalahaas iyo jawaabihii uu ka bixiyay ayaa waxay u dhaceen sidan;

S: Haddii aanay Somaliland baadhitaanka arrintan kaligeed awood u lahayn, diyaar ma u tihiin inaad ka caawisaan Dawladda?

J: Waxa aan ka odhan lahaa waxa weeye arrimaha amaanka waa in aanaan anagu harciyan rabin in aanu ka hadalo, laakiin waxaan deeq-bixiyeyaasha jecelaay inaan si xaqiiq ah ugala hadalo sidii ay u dhiirigelin lahaayeen wada-shaqayntooda sababta oo ah taasi sida caadiga ah kama timaado Qaramada Midoobay ee waa arrin ay dawladaha haysta awooddaha farsamo ilaalinta amaanka. Laakiin anaga doorkayagu waa inaanu dhiirigelino taageeraddaas. Waxaanan leeyahay maadaama aan markii ugu horaysay halkan (Somaliland) imi oo aan eegay xaaladda, waxaan u gudbin doonnaa xaaladdan iyaga (deeq-bixiyeyaasha), waxaanan rajaynayaa inay jirayaan taageerooyin badan oo iyaga uga yimaada.

S: Markaa ma odhan karnaa waxa aad xaaladdan taagan ee Somaliland ka qaban kartaan waa inaad farriintaa ka gudbisaan?

J: Maya, sidaa maaha, waxaanu haysanaa koox baadhayaal ah oo la shaqaynaya dawladda. Waxaanu bixin doonaa talooyinka farsamo ee loo baahan yahay si loo horemariyo arrimaha amaanka. Markaa hawlihii iyo shaqooyinkii baadhitaanada ahaa ee aanu qabanay waxay la xidhiidhaan taageerooyinkaa farsamo iyo bixinta talooyinka iyo taageerada ay dawladu u baahan tahay.

S: Haddiiba aad sheegtay in Weeraradan dhacay aanay u joogsanayn taageeradii Caalamku siin jiray Somaliland iyo hawlihii aad dalka ka waddeen, Weeraradan ka dib ma noo sheegi kartaan heerka Nabadgelyada Somaliland aad ku qiimaysaan Qaramada Midoobay ahaan?

J: Waxaan filayaa in Somaliland ay tusaale u ahayd xasilloonida Deegaanka, taas oo ahayd mid lagu dhiirigeliyay. Waxaan daremayaa in khaladka ay sameeyeen qaar ka mid ah Kooxdii falkan fulisay ay tahay in ay muujiyaan in ay fulin karaan wax kasta oo ay rabaan. Waxaan filayaa in taasi ay tahay nasiib-darro. Somaliland waxay leedahay derejo wanaagsan dhinaca xasilloonida, waxase jira sababo. Ma odhan karo gebi ahaanba ma jiraan wax dhibaatooyin ahi, laakiin waxay sannado badan samaysay horumar oo waxay maamushay xasilloonida. Waxa dhiirigelin mudan kaalinta ay ka qaadato dhinaca amniga Shaqaalaha Qaramada Midoobay.

S: Qaramada Midoobay diyaar ma u tahay inay qalabayso Hay’adaha Amniga Somaliland?

J: Sidaan sheegay, horta waa inaanu qiimaynaa waxa aanu u qaban karno iyo sida aanu ugu qaban karno. Masuuliyad ahaan, waxaan filayaa in Hay’adaha amniga Somaliland ay u baahan yihiin taageero. Waxaan u jeedin doonaa Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah oo laga yaabaa inay meel iska taagaan inay bixiyaan taageerada laga rabo. Marka laga hadlayo arrimaha argagixisada waa inay ku cad yihiin oo ay ku qoran yihiin qawaaniinta lagu dhaqmo, taasina waxay ka dhigan tahay in aad si sharciyan ah uga jawaab-bixinayso. Laakiin, maaha inaad kaga jawaabto tallaabo sharci-darro ah, adiga oo ku xisaabtamaya xaaladda taagan. Balse maanta (shalay) kulankayagaa waxyar ka dib ayay diyaarinayaan (Dawladda Somaliland) qawaaniinta lagula tacaalo argagixisada, taasi waa mid ka mid ah waxyaabaha Qaramada Midoobay ku taageeri karaan Somaliland khuburada ka qayb qaadanaysa iyo waxyaabaha kale ee loo baahan yahay.

S: Maxaad ka wada hadasheen Madaxweyne Rayaale ee intaa dhaafsiisan?
J: Waxaanu ka wada hadalnay xaaladda taagan, halka ay Qaramada Midoobay iska taagi karto xoojinta amniga Shaqaalaha, iskaashiga aanu ke helayno Dawladda Somaliland iyo sidoo kale
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland