Arbaco, November 05, 2008(HOL): Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay weli isku dhejinayaan Magaalada Nairobi oo ay dhawaan ku tageen casuumad ay ka heleen Urur Goboleedka IGAD oo qabtay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.
Xildhibaannadan ayaa horaantii todobaadkan waxaa qado u sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo gunaanadkii qadadaas u sheegay Xildhibaannada in ay isu diyaariyaan in ay dib ugu noqdaan Magaalooyinkii ay ka yimaadeen ee Muqdisho iyoBaydhabo.
Xildhibaanadan oo lagu waday in ay shalay ka soo amba baxaan magaalada Nairobi ayaaney taasi dhicin, waxaana lagu soo waramayaa in uu saaka mar kale Guddoomiyaha Baarlamaanka u yeeray Xildhibaannada, iyadoo sababta uu ugu yeerayna lagu sheegay sidii uu uga dhaadhicin lahaa Xildhibaannada in ay isu diyaariyaan in ay dalka dib ugu noqdaan.
Lama hubo ilaa iyo haatan in ay dhamaan Xildhibaannada Baarlamaanka dib ugu soo noqon doonaan Magaalooyinkii laga kaxeeyay, waxaana jira Xildhibaano u baxay booqasho ay ku soo siyaaranayaan Qoysaskooda oo aysan waqtiyo dheer arkin, halka ay jiraan kuwo kale oo daneynaya in ay Nairobi iska sii joogaan, halkii ay ku noqon lahaayeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo oo uusan ammaankooda hagaagsaneyn.
Laakin Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay Xildhibaannada Baarlamaanka dib ugu noqdaan Magaalooyinkii ay ka yimaadeen, wuxuuna ku macneeyay sababta dib u dhigtay dib u noqoshada Xildhibaannada arrimo farsamo oo dhinaca socdaalka ah, kuwaasi oo uu rajeeyay in ay hagaajin doonaan madaxdii IGAD ee Nairobi ugu yeeray.
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay u harsan tahay muddo sanad ka yar ayaa waxaa looga fadhiyaa in uu go’aanno adag ka qaato Xaaladda uu dalka ku sugan yahay haddii ay ahaan lahayd dhinacyada Ammaanka iyo Siyaasadda, waxaana Baarlamaanka u jeediyay baaqyo arrintaas ku saabsan Madax ka socotay Urur Goboleedka IGAD oo Nairobi ku casuuntay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia