Khamiis, May 08, 2008 (HOL) - Waxaa taariikhdu marka ahayd 2008-05-03 shir isugu yimid guddiga jaaliyadda reer Hiiraan ee ku nool wadanka Sweden. Shirkaas oo looga wada dooday arrimo dhowr ah oo khuseeya jaaliyadda reer Sweden ayaa waxaa gunaanadkiisii laga soo saaray bayaan ku wajahan xaaladda ka taagan gobolka Hiiraan iyo guud ahaanba wadanka Soomaaliya oo dhan. Bayaanku wuxuu u qornaa sidan.
Jaaliyaddu waxeey si toos ah uga soo horjeedaa dilalka arxan darrada ah ee ka dhacaya gobolka iyo guud ahaan wadanka oo dhan. Kaas oo loo geysanayo aqoonyahanada, culumaaudiinka, saraakiisha iyo shacabka aan waxba galabsan.
Jaaliyaddu waxeey si aan gabasho laheyn uga soo horjeedaa faragelinta aan geedna loogu soo gaban ee ay DKM ay ku hayso gobolka Hiiraan. Iyadoo mar walba u soo magacowdo cid aysan shacabka reer hiiraan raalli ka aheyn. Shacabka reer hiiraan waxeey xaq u leeyihiin in ay ayahooda iyagu ka tashadaan xushaana ciddii maamuli laheyd.
Jaaliyaddu waxeey si hagar la, aan ah u taageereysaa cid kasta oo ka shaqeyneysa danta gobolka iyo tan guud ee wadanka oo dhan. Waxeyna si aan qarsoodi laheyn uga soo horjeedaa ciddii ka shaqeyneysa amma lagu tuhmo in ay ka shaqeyneyso wax kasta oo wax u dhimmi kara sumcadda iyo sharafta umadda soomaaliyeed.
Jaaliyaddu waxeey ugu baaqeysaa dhamaan waxgaradka, culumaaudiinka, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo duubabka gobolka hiiraan in ay ka shaqeeyaan maslaxadda umadda iyo isku duubnaantooda isku meelna uga soo wada jeesteen wax allaale iyo wixii liddi ku ah jiritaankooda.
Waxaa bayaanka soo saaray kuna saxiixan magacyada hoos ku qoran:
Abdulkadir Keynaan.
Mohamed Haaraay.
Mohamed Omar Hashi.
Abdirisaq Haji Husein
Mohamed Sheikh
Mohamud Haji Qalif
Abdi Aziz Ali Gedi
Hirey Ahmed Roble
Baryare Elmi Salaad
Mohamed Baryare
Ali Nour Ma,ow.
Omar Abdullahi Dhelmay
Huseen Jameeco
Abukar Godah Barre
Abdirahman Abdi Saney
Abdullahi Ali Hersi
Mohamed Ali Qassim
Mahdi Abdi Jim,ale
Abdi Aziz Ali Kadeed
Abdifatax Sheikh Elmi.
Wabillahi Towfiiq