Dagaal culus oo galabta casir-liiqii ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho

Cabirka Farta

Khamiis, May 08, 2008(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta casir-liiqii waxaa uu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan oo socday muddo saacad ku dhow ayaa wuxuu ka dhacay Xaafado u dhow Isgoyska Dabka ee Degmada Waaberi, wuxuuna dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Mid ka mid ah Dadka degan nawaaxiga Saldhigga Degmada Waaberi ayaa wuxuu sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Ciidamo Boolis ah oo fariisin ku lahaa Isgoyska Dabka iyo Saldhigga Booliska Degmada, wuxuuna goob-joogahani uu intaas ku daray in Kooxaha weerarka soo qaaday ay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta Saldhigga Degmada Waaberi, isla markaana ay halkaas ku gubeen gaari TOYOTA ah oo ay leeyihiin Ciidamada Booliska Saldhiggaas.

Dagaalka oo dhawaqa madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado dhowr ah oo ku yaala Magaalada Muqdisho ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku nool meelaha uu dagaalka ka dhacay, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaartay Dad rayid ah iyo weliba dhinacyadii dagaalamayay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dagaalkan ayaa wuxuu qeyb ka yahay dagaallo xiriir ah oo ay dhawaanahan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka ku qaadayeen Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia