Howl-Wadeen u shaqeynayay Shirkadda Isgaarsiinta NationLink oo maanta Muqdisho lagu dilay

Cabirka Farta

Khamiis, May 08, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay dil ugu geysteen gudaha Suuqa Bakaaraha Howl-wadeen u shaqeynayay Shirkadda Isgaarsiinta NationLink, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Baadi Dhiblaawe.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay toogteen rag Bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay u dileen, iyadoo dilka marxuumkana ay si weyn uga xumaadeen ehelladiisa iyo weliba mas’uuliyiintii ay ka wada shaqeynayeen Shirkadda Isgaarsiinta NationLink.

Mas’uuliyiin u hadlay shirkadda Isgaarsiinta NationLink ayaa sheegay in ay baaris ku sameyn doonaan ciddii ka dambeysay dilka marxuumka, iyagoo sheegay in marxuumka uu ahaa shakhsi howl-kar ah oo ka mid ahaa dhidibada Shirkadda NationLink.

Wuxuu ahaa dilkii ugu horeeyay oo ka dhaca Suuqa Bakaaraha muddo bilooyin ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii Suuqaas laga dul-qaaay Ciidamadii Dowladda, isla markaana loo sameeyay Ciidamada gaar ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dilka maanta loogu geystay Suuqa Bakaaraha marxuum C/llaahi Baadi Dhiblaawe ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo xalay ay kooxo hubeysan Muqdisho ku dhaawaceen Nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Nuur Cali Buubaal, kaasi oo isagoo gurigiisa sii gelayay rasaas lagu furay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia