Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga oo Hay’ado ka tirsan UN-ka ku eedeeyay in ay Xuquuqdooda duudsiiyeen

Cabirka Farta

Khamiis, May 08, 2008(HOL): Kulan ballaaran oo maanta haweenka Qowmiyadda Banaadiriga ay kuyeesheen Muqdisho ayaa waxa ay kaga wada hadleen duudsi lagu sameeyay xaq ay u lahaayeen in ay ka qeyb galaan shir lagu wado in dhowaan uu ka furmo Magaalada Nairobi.

Shirkani Nairobi ka furmaya ayaa waxaa lagu casuumay haweenka Soomaaliyeed oo idil iyadoo Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga aanan lagu casuumin taasina ay tahay mid lagu duufsaday xaqii ay lahaayeen Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga.

Shirka lagu wado in Dhowaan uu Nairobi ka furmo ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Hey’adda UNDP iyo UNPOS, waxaana looga hadlayaa sidii Haweenka loogu soo dari lahaa Arimaha siyaasadda kadib markii ay ku bateen ragga oo keliya.

Caasho Malaaq Mahdi oo kamid ah Haweenka Qowmiyadda Banaadiriga oo shir jaraa’id ku qabatay Degmada Xamar weyne ayaa waxa ay ka hadashay sida xaqooda loo lunsaday.

Waxa ay sheegtay in xaqii ay lahaayeen Qowmiyadda Banaadiriga ay duudsadeen dadkii ay u soo wakiisheen hay’adaha UNDP iyo UNPOS oo ay ugu doorteen si ay ugu soo xulaan cidda ka qeybgaleysa Shirka looga hadlayo sidii Haweenka loogu soo dari lahaa Siyaasadda.

“Waxaanu nahay dadkii nabadda ka shaqeynayay waligooda, waligeen qori ma qaadan, mana hubeysnin iminka, halkii nalagu abaal marin lahaa in aan nahay dadkii nabadda ka shaqeynayay oo ladoonayay in nala siiyo ixtiramka koowaad waa nala dhaafay oo maba nala soo xusuusan, sidaasi daraadeed Haweenka ka qeybgalaya waxaan ugu baaqayaa hadaan nahay Haweenka Qowmiyadda banaadiriga in shirkaasi uu yahay mid lagu soo duudsaday xaqa haween dhan oo kasoo jeeda Qawmiyad jirta” ayay tiri Caasho Malaaq Mahdi.

Ugu dambeyntii waxa ay ku baaqday Qaramada Midoobay in wax laga qabto arrimaha taagan gaar ahaan tan ku saabsan ku tumashada xuquuqda qowmiyad jirta sida iminka ay sameeyeen dadka ay u soo wakiisheen UNDP iyo UNPOS.