Khamiis, May 08, 2008(HOL): Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah Xukuumadda dhowrka bilood jirta ee uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Xildhibaanadan ayaa waxay ku eedeynayaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in aysan wax badan ka qaban waxyaabihii ay ballanqaaday markii la soo dhisay oo ay ka mid ahaayeen in ay ka shaqeyneyso sugidda ammaanka dalka iyo weliba dib u heshiisiin, iyagoo Ra’iisal Wasaarahana si gaar ah ugu eedeynaya in uusan si wanaagsan uga jawaabin su’aalo ay dhawaan ku weydiiyeen baarlamaanka hortiisa.
Xildhibaannada mooshin wada ayaa waxaa ka mid ah Dr. Khaalid Cumar Cali, Dr. Cali C/llaahi Cosoble, Madoobe Nuunow Maxamed, Maxamed Yuusuf Weyrax, Aamina Maxamed Mursal iyo xubno kale, waxayna ku doodayaan in ay baarlamaanka hor-geynayaan, isla markaana ay ka takhalusi doonaan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Mooshinka ay Xildhibaanadan diyaarinayaan ayaan weli loo gudbinin Guddoonka Baarlamaanka, waxaana weli socda is-uruursi ay wadaan Xildhibaannada ka soo horjeeda Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo kala bar xubnaheeda ay ka yimaadeen Dibadda Baarlamaanka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa inta badan waqtigiisa wuxuu ku qaatay magaalada Baydhabo, iyadoo mudadaasna uu aad ugu mashquulay dhisidda iyo duminta Xukuumado dhowr ah oo uu soo dhisay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof/Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi, iyadoo haatanna mooshin laga diyaarinayo Xukuumadda jirta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) uu Baarlamaanka hortegay, isla markaana uu ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen Mudanayaasha Baarlamaanka, kuwaasi oo ku saabsanaa Ammaanka, Dib u heshiisiinta, Sida loo maamulo Dhaqaalaha soo gala Dowladda, Sicir Bararka iyo weliba Dhoofinta Kheyraadka Dalka ka soo go’a.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia