Khamiis, 08 May 2008 (HOL): Hogaamiyayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa khudbado u jeediyay Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa oo isugu soo baxay fagaaraha Xarunta dhexe ee xisbigaasi. Islamarkaana masuuliyiinta Kulmiye waxaa ay ugu baaqeen dadweynaha inay wadaan banaanbaxyada wixii ka danbeeya 15-ka bishan May hadii aan wax is badal ahi dhicin inta ka haraysa.
Isu soo baxan ayaa dadka ka qaybgalay waxay lulayeen Boodhadh iyo qoraalo ay ka muuqdaan halku dhegyo ka dhan ah muddo kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somalilad oo wakhtigii shanta sano ahayd ee la soo doortay kaga egtahay 15-ka bishan May.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo fagaarahaasi kala hadlay dadka taageerayaasha ah ee isu soo baxay ayaa sheegay in culays iyo cadaadis xoog leh ay Xukuumadda Somaliland saartay Xisbigooda iyo taageerayaashiisa, iyada oo aanay jirin wax sabab ah oo loo cuskanayo sida uu ku dooday. Cadaadiskaasi oo ay ka midyihiin ayuu yidhi in xadhig iyo in dhinaca dhaqaalaha iyo shaqooyinka lagala tagaalamo.
“Waxaan idiin sheegayaa Kulmiye maanta maaha Xisbigii looga biqi lahaa inuu nabadgalyada dalka bur-buriyo, Kulmiye shacbiga Somaliland intiisa badan ayaa taageerta, waxaanu u damqanayaa guud ahaan nabada iyo danaha ummadiiisa. Iyada oo aynu nabadgalyada ilaalinayno, wada jirka ilaalinayna, danta shacbigeena ilaalinayna, xaqa dastuurkeenu ina siiyay ilaalinayna, oo aan cidna waxba yeelaynin waa inaynu dareenkeena cabiraa walaalayaal. Marka muddadu Madaxweynaha ka dhamaatana hadaan xaaladan wax iska bedalin waa inoo balan inaynu dareenkeena si nabadgalyo ah ugu cabiro isu soo baxan oo kale, waana inoo balan inaynu sii wadno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxana uu intaa ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “iyada oo nabadgalyada Somaliland shacbiga meel kasta oo uu joogo xil ka saaran yahay ilaalinteeda oo uu xilkeeda qaatay, oo mar kasta oo nabadgalyada bur-bur ku dhaco cida bur-burisaa ay xukuumadda jirta ahayd, cida ilaalinaysaana ay ahayd shacbiga Somaliland, cida cadawga iyo argagixisada qabanaysana shicibka ayay ahayd. Halka cida sharciga iyo nabadgalyada ku tumanaysaana ay tahay Xukuumadda maanta jirta ee Madaxweyne Rayaale.”
“Waxaanu leenahay Madaxweyne Rayaale muddadii lagu doortay markay kaa dhamaato, adigu ma lihide ha iska sii fadhiyin meesha, waxaanu leenahay ha isa soo hor fadhiistaan Axsaabta Qaranka oo ha la is waydiiyo oo ha la yidhaahdo walaal maxaynu yeelaa, doorashada sidaynu u wajahnaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye, waxaanu ku eedeeyay dib u dhaca doorashooyinka in uu Madaxweynuhu ka masuul yahay. Islamrkaana waxa uu ku dooday inay samir badan hore u muujiyeen mucaarid ahaan, imikana ay diyaar u yihiin sii wadida samirka ay u hayaan dalkan iyo dadkan Somaliland .
Mar uu si gaar ah ula hadlayay Guddoomiyaha Kulmiye Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, waxa uu yidhi, “Madaxweynaha Baarlamaanka ka dhex yidhi waa la siqiiri doonaa, ee rag kale yidhaahdeen Xabsigii Mandheera waanu haynaa, Madaafiicdiina waanu haysanaa, Madaafiicda waa nalala dhici jiray oo kamaanu biqi jirin, Xabsiga Mandheera laga biqi maayo oo waa loo diyaar ragbaana hore u galay, Madaafiic baanad sheegaysaaye horaad Daahir Rayaalaw Diyaarado ula dhacday Shacbiga Reer Hargeysa. Markaa maanta ha nagu bajinin, kuwaad ku bajin lahaydna ma nihin.”
Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye, oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Xisbiga Kulmiye ugu jira, ayaa sheegay, isla markaana dadweynaha u soo jeediyay inay iyagu Xisbi ahaan yihiin Xisbiga u taagan nabadgalyada, sidaa darteedna taagaarayaasha looga baahan yahay inay ku sii dedaalaan adkaynta nabadgalyada, iyaga oo la shaqaynaya Ciidamada amniga. Xildhiibaanku waxa uu ku dheeraaday qiimaha ay nabadgalyadu u leedahay jiritaanka noole kasta oo dunida jooga iyo tilmaamaha ay diinta Islaamku ka bixsay.
Xildhibaan Cali Aw Yuusuf Axmed, oo isaguna ka mid ah Mudanayaasha Aqalka Wakiillada, isla markaana laga soo doortay Xisbiga Kulmiya, ayaa sidoo kale sheegay in uu Madaxweynaha talada hada hayaa si nabadgalyo ah maamulka dalka ku qabtay, isla markaana looga baahan yahay inuu si nabadgalyo ah uga dego marka xilku ka dhamaado, “Xisbiga Kulmiye Madaxweynuhu 80 cod ayuu kaga helay, waananu haniyaynay. Markaa waxaanu leenahay Madaxweynuhu taariikhdii SNM oo kale ha sameeyo, oo si nabadgalyo ah ayuu ku yimi ee si nabadgalyo ah hakaga tago, oo doorasho ayuu ku yimi ee doorasho xaq ah oo xalaal ah ha sameeyo oo hagaga tago, haduu sidaa yeelo taariikhda Somaliland meel ayuu ka galayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cali Yuusuf. “Aduunka waxaynu ka iibinaa laba shay, kuwaas ah wadankeenu inuu nabad yahay iyo inaynu dimuquraadi nahay, labadaasbana waxa beeniyay Guurtida, oo iyada oo aynu nabad nahay ayay yidhaahdeen sannad ayaanu u kordhinay, dimuquraadiyadii socotay intay ka talaabsadeen ayay sannad kordhiyeen.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali.
Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashooyinka Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo fagaarahaasi kala hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Waxaan idiin sheegaya imtixaanka aduunka oo dhami wuu soo maraa waxaan lagaga guulaystaa dulqaadka ay dadku sameeyaan, oo shacbiga dulqaata ee dhabar-adayg sameeyaa mishkilad kasta wuu ka gudbi karaa, maanta waxa la inooga baahan yahay dhabar-adayg.” Sidaa ayuu yidhi Cadami. Isaga oo faah-faahin ka bixinaya ujeedada isu soo baxan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta iyo taageerayaasha Kulmiye waxa uu yidhi, “Ujeedada Xafladan maadaama aan hore loo sheegin, waa kulankii ugu horeeyay shir Xisbiga iyo Madaxdiisu isugu timaado, kii u dambeeyayse maaha ee wuu bilaabmay, waanu sii soconayaa, halka Hargeysa ugu dambeeysa waynu ka soo lugaynaynaa marka Basaska la inoo diido, oo wadamada qaar dadku iyaga oo lugaynaya ayay dhinteen oo aanay nimcadii xorriyada gaadhin, iyada oo uu haystay Isticmaar adag oo keenan iska ooraydhka ah ee aynu inagu samaysanay, deebadeedna inagu yara kululaaday mid ka xoog roon ayay u babacdhigeen. Dabadeedna dadkii way soo gaadheen, intii soo gaadhi waydayna Carruurtoodii ayaa soo gaadhay.”
Guddoomiyihii hore ee Guddida doorashooyinku, mar uu ka hadlayay qaabka qaldan ee ay dadku wax u isticmaalaan waxa uu yidhi “Waqtigii Xamar la joogay ee xaaladu ay kululayd, ee la kacaamaysnaa ee ay ciidamadu wax walba soo qab-qabanayeen, waxa aan raacay qolo wafti ahayd oo meel ayaa la soo furay guri ah oo uu lahaa maamulihii degada Marka oo Talyaani ahaa, guriga waxa la yidhi waa cusub yahay, aniga laftayda waa la I caameeyay oo waan u qaatay inuu cusub yahay, sannadkii dambe ayaa la yidhi ina keen, waanu tagnay mise gurigii ayaaba la rinjiyeeyay mar labaad oo la soo furayaa, isla markaana gurigaa rinjigu ku socdo ayaan sheeko ka bixiyay oo waxaan idhi ‘Ma laga baqaa gurigaasi inuu hadlo maalin maalmaha ka mid ah, oo uu yidhaahdo waar wax kasta igu qabta oo, rinjiga faraha badan iga daaya.” Isaga oo hadalkiisa sii watan waxa uu Cadami intaasi ku daray, “Markaa waxaan maanta leeyahay sidaa si le’eg ma laga yabaa nabadgalyada wanaagsan ee aynu ku jiro in aynu maalin ka hadlino, oo ay tidhaahdo qoladan masaakiinta ah maaha cida nabadgalyada xumaynaysaaye waa qolada awooda leh (xukuumadda), haday hadli waydo inaga ayaa ka hadli doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaanu ku dooday inay yihiin ummad garnaqsanaysa, oo dhaqankii dalkani ku soo caano maalay dabada haya oo aan laga leexin karayin.
Md. Cadami, waxa uu xusuusiyay Madaxweyne Rayaale, sidii uu ula dhaqmay waqtigii muddadii xilka komishanku ka dhamaatay ee loo kordhiyay “Madaxweynuhu Komishankii hore markii muddadu ka dhamaatay isaga ayaa ugu horeeyay oo yidhi waqtigiinii waa dhamaaday, kaftan badana wuu ku daray, anaguna waxaanu leenahay saacadu way is garaacaysaa, taar ayaanu kuu soo diriynaa, oo aan wax kuugu sheegaynaa, oo waxaanu leenahay intay goori goor tahay taariikhdii iyo abaalkii ummadu gashay yaan looga dhigin diidmo la diido iyo orod, dhaca.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyihii hore ee Guddidii doorashooyinka Somaliiand Axmed Xaaji Cali Cadami.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland