Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo mar kale baaris ku sameeyay Guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya

Cabirka Farta

Jimco, May 23, 2008(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira ayaa maanta waxay mar kale baaris ku sameeyeen guriga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.

Guriga Madaxweynaha oo ku yaala dhabarka dambe ee Dugsigii sare ee Banaadir ee Degmada Hodan ayaa dad goob-joogayaal ah waxay sheegeen in ay Ciidamadaas guriga madaxweynaha ka qaateen hubka iyo qalab kale.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ay sidoo kale Ciidamadaas handadeen Madaxweynaha, isla markaana ay ku amreen in uu dego qeybta hoose ee gurigiisa, iyagoo kadibna jir-dil ku sameeyay dad la joogay madaxweynaha.

Nin ay Madaxweynaha ehello yihiin balse codsaday in aan magaciisa warbaahinta laga sii deynin ayaa wuxuu sheegay in ay Ciidamada burburiyeen albaabada iyo gaadiid dhex yaalay guriga madaxweynaha, isagoo intaasna ku daray in madaxweynaha ay ula dhaqmeen si aan maamuus wanaagsan ahayn.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shaacshaac oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa wuxuu sheegay in uusan jirin howlgal si gaar ah ugu wajahnaa guriga Madaxweyne C/qaasim Salaad, balse uu jiray howlgal guud oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka sameynayeen qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamo baaraan guriga Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan, waxayna ahayd sanadkii hore markii ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay gurigaas labo jeer baaris ku sameeyeen, iyadoo baaritaannadaas horena ay cudurdaar ka bixiyeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaarihii hore Prof. Cali Maxamed Geeddi oo gurigiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee TNG-da C/qaasim Salaad Xasan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia