Jimco, May 23, 2008(HOL): Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaal saaka ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Howl-wadaag iyo Wardhiigley, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyay Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkan oo bilowday kadib markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay u soo dhaqaaqeen dhinaca Isgoysyada Aadan Cadde iyo Howl-Wadaag oo horay looga qaaday Ciidamo ku sugnaa, iyadoo kadibna ay Ciidamadaas ka hor-tageen Kooxo hubeysan.
Dagaal labada dhinac dhexmaray oo ahaa mid la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen afar ruux oo isugu jira dad rayid ah iyo Ciidamada Dowladda Federaalka.
Dagaalka ayaan intii uu socday waxaa dhowr madfac lagu tuuray Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo kadibna ay xarunta Madaxtooyada ka soo dhaceen madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ku dhacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan daaro u dhow Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo isugu jiray kuwo aaney dad deganeyn iyo kuwo shub ahaa oo aaney madaafiicda gudaha u gelin.
Inta u dhaxeysa Isgoyska Aadan Cadde iyo halka looga leexdo Xarunta Madaxtooyada iyo sidoo kalena inta u dhaxeysa Isgoska Howl-Wadaag iyo Isgoyska Sayidka ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Boolis iyo Mileteri isugu jiray, kuwaasi oo mararka qaarkood rasaas u soo ridaya dhinaca Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka amar qaata ganacsatada Suuqa Bakaaraha.
Si kastab arrintu ha ahaatee, Dagaalka ka dhacay Xaafadaha ka kala tirsan Degmooyinka Howl-Wadaag iyo Wardhiigley, gaar ahaan Xaafadaha Shanta Geed iyo Caga-dhiig ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay weerar culus lagu qaaday fariisin ay ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin Xeradii Asluubta, sidoo kalena shalay subaxnimadii Qarax miino lagu weeraray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Hotelka Ambassador iyo Saldhigga Degmada Waaberi ee Wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo qaraxaasna uu ciidamada Itoobiyaanka khasaare ka soo gaaray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia