Kolonyo ka tirsan Ciidamada Uganda oo qarax lagula beegsaday inta u dhaxeysa Igsoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Cabirka Farta

Jimco, May 23, 2008(HOL): Kolonyo Ciidamo ah oo ka tirsan Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa maanta qarax lagula beegsaday inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa la sheegay in ay waxyeello ba’an ka soo gaartay gaari ay la socdeen Ciidamada Amisom, waxaana lagu soo waramayaa in qaraxa kadib la arkayay Ciidamo laga soo saarayay gaariga qaraxa lala beegsaday, kuwaasi oo aan la ogeyn dhimasho iyo dhaawac waxa ay isugu jireen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in markii gaarigan ay lahaayeen Ciidamada Amisom la qarxiyay ay goobta deg deg u soo gaareen Ciidamo kale oo Amisom ah, kuwaasi oo fariisin ku leh Xarunta Dugsigii Tababarka Xalane iyo weliba hareeraha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Ciidamada Amisom qarax lagula beegsaday Magaalada Muqdisho, waxaana jiray dhowr qarax oo lala beegsaday, kuwaasi oo isugu jiray Miinooyinka dhulka loogu aasay iyo weliba Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo loogu geliyay fariisin ay ku leeyihiin Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed.

Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay kooxaha ka soo horjeeda dowladda Federaalka iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya kala kulmaan weerarro, inkastoo aan loo weerarin sida Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Ugu dambeyntiina, 2,600 oo Askari oo ka kala socda Dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa waxay magaalada Muqdisho uga howlgelayaan magaca Amisom iyagoo ilaalo ka haya Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo Isgoyska KM4 oo muhiim u ah isu socodka mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ilaa iyo haatan aaney Muqdisho soo gaarin Ciidamo kale oo laga sugayay Dalalka Midowga Afrika.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia