
Jimco, May 23, 2008(HOL): Shan Xildhibaan oo Golaha Guurtida ka tirsan, ayaa digniin culus loogu soo jeediyay fadhi aan caadi ahayn oo shalay isugu yimaadeen Xildhibaanada Golaha Guurtidu.
Xildhibanaada Guurtida oo aan caadiyan fadhi yeelan maalinta arbacada, ayaa fadhigan ay shalay isugu yimaadeen waxa goob-joog ka ahaa 58 Xildhibaan. Kuwaas oo Shirguddoonku soo hor dhigay digniin loo jeedinayay xubnaha xildhibaanada, ka dib markii siday sheegeen Shirguddoonka Guurtidu, ay Xildhibaano Golaha ka tirsani u gudbiyeen Shirguddoonka Mooshin ay ku dalbanayaan in Xilka lagaga qaado Xildhibaanadan 5-ta ah. Kaas oo markii ay Shirguddoonku digniin u bedeleen, waa siday ku sheegeen qoraal ay soo saareene, ay shalay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen digniintaas 58-kii xildhibaan ee madasha.
Fadhigan oo shalay Saxaafadda iyo Xildhibaanada digniinta loo jeediyay midkoodna aan loo ogolayn, isla markaana laga dareeriyay, ayaa waxa digniin loogu soo jeediyay shan Xildhibaan oo kala ah, Xil. Cabdisalaan Maxamed Siciid, Xil. Aadan Shire Faarax, Xil. Dirir Axmed Cali, Xil. Cawil Xuseen Maxamed iyo Xil. Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac. Kuwaas oo aan si rasmi ah loo shaacin wax dhaafsiisan in ay ku kaceen Xildhibaanadani wax ay Shirguddonku ku sheegeen dhaqan-xumo, ficil-xumo, anshax-xumo iyo sharaf-dhawris la'aan Golaha ah, hase ahaatee, waxa ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in waxyaabaha lagu soo eedeeyay ay ka mid tahay Mooshin ay tiro xildhibaanno ah oo ay ka tirsanaayeen soo hordhigeen Golaha. Mooshinkaas oo ay ku dalbanayeen in dib-u-eegis lagu sameeyo muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweye Rayaale. Waxaanu kallifay mooshinkaasi gacan-ka-hadal dhex mara qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha, ka dib markii ay mooshinkaa is-hortaageen shirguddoonka Golaha Guurtidu, iyaga oo u cuskanaya inaanu sharci ahaan bannaanayn in Golaha la horkeeno. Balse, shantan Xildhibaan waxa si gaar ah digniin kama-dambays ah loo jeediyay labada Xildhibaan ee Xil. Cabdisalaan Maxamed Siciid, Xil. Aadan Shire Faarax, oo aan ilaa hadda la ogayn sababta sida gaarka ah loogu jeediyay digniinta kama-dambaysta ah. "Sababta maan garan. Haddiise ay tahay Mooshin ayaad Golaha hor keenteen, taa waxa sharci ahaan noo fasaxaya Dastuurka Qaranka u yaala. Kaas oo qodobkiisa 49aad uu dhigayo, 'Xubinta Golaha looma qaban karo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama Golaha soo hor dhigay ama ra'ygiisa ka dhiibtay.'" Sidaa waxa yidhi Xil. Cabdisalaan Maxamed Siciid, oo xayndaabka Golaha Baarlamaanka kula hadlayay qaar ka tirsan Saxaafadda, kana mid ahaa Xildhibaanada markii ay digniintan maqleen ka biyo-diiday.
Markii laga soo dareeray fadhigii Golaha ee digniinta lagu ansixiyay, ayaa buuq ka dhashay xarunta Golaha. Isaga oo Xildhibaan Cabdisalaan Maxamed ku eedeeyay Shirguddoonka inay wadaan cabudhin lagu doonayo in lagu cabudhiyo Xildhibaanada qaarkood. “Ma aqbalayno arrinka aad wadataan, aniga ayaa codkayga u madax bannaan. Berri ayaan codkayga dhiibanayaa oo aan bilaabayaa..” Ereyadaasi waxay ka mid ahaayeen hadallo uu digniintan kaga dhiidhiyay Xil. Cabdisalaan Maxamed.
Digniinta loo jeediyay Xildhibaanadan, ayaa ah inaanay Xildhibaanadani ku kicin waxyaabaha lagu soo eedeeyay oo aan si rasmi ah loo sheegin marka laga reebo eedaymo ay Shirguddoonku daliishanayaan oo ah inay Dastuurka jabiyeen. Waxaana Qoraal ay soo saareen Shirguddoonka Golaha Guurtidu oo ay wada jir ugu saxeexan yihiin ku-simaha Guddoomiyaha Golaha, ahna guddoomiye xigeenka 1aad ee G. Guurtida Sh. Axmed Nuux Furre iyo Xoghayaha guud ee Golaha lagu sheegay in hadii aanay Xildhibaanadi u hoggaansamin digniintan, ay iyaga oo aan cod loo qaadin waayi doonaan xubinimada Golaha.
Mar ay Saxaafaddu isku dayday inay shirguddoonka wax ka waydiiyaan sababta keentay in labada Xildhibaan gaar loogu jeediyo digniin kama dambays ah, ayaanay u suurogelin inay Shirguddoonka la kulmaan. Hase yeeshee, Xildhibaanada loo jeediyay digniintan ayaa sheegay inay arrintaa wax ka waydiin doonaan Shirguddoonka. "Waxa digniintaa laygu siiyay iyaga (Shirguddoonka) ayaan waydiinayaa marka aan Qoraalka helo" sidaa waxa yidhi Xil. Cabdisalaan.
Qayb ka mid ah Go’aanka digniinta ah ee Xildhibaanada loo jeediyay:
“Waxa caddaatay in ay jabiyeen Qoddob Dastuuri ah oo ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay, Sidaasi darteed, shir-guddoon ahaan iyadda oo la xeerinayo duruufo kala duwan oo jira awgeed, waxan Golaha u soo jeedinayna, kana codsanayna: -
1. In maamuus ka xayuubinta labadaas Mudane ee kala ah;
a. Aadan Shire Faarax
b. C/salaan Maxamed Siciid
Dib loo dhigo, oo aan lagu fullin waqtigani maanta ah.
2. In haddii fal dambe oo noocaasi oo kale ay galaan ama la yimaadaan, kii la yimadaaba ay shir-guddoonka Golaha Guurtidda waajib ku tahay in laga saaro Golaha, iyadda oon loo baahnayn cod-qaadis dambe oo ah maamuus-ka-xayuubin.
3. Soo-jeedintani Shir-guddoon ahaan, haddii uu Goluhu cod-ku-ansixiyo waxay noqonaysa Go'aan Gole oo kayd ugu yaalla, laguna camal-fali doono haddii ay mar-kale dambi noocii oo kale ah la yimaadaan oo Golaha ku ah sharaf dhac & sumcad ka dilis.
4. Waxa fursad la siiyay Labadaas Mudane ee kala ah Aadan Shire Faarax & C/salaan Maxamed Siciid, si ay uga waantoobaan dhaqan-xumadda, ficil-xumadda, anshax-xumadda, xil-kasnimo-daradda & sharaf-dhawris la'aanta Golaha, taasi oo soo-taxnayd ilaa muddo aan ka yarayn 10 Sano.
Dhinaca kale, waxa Shir-guddoonku Go'aamiyay in uu digniin qoraal ah siiyo Mudanayaasha kala ah: -
1. C/raxmaan Cismaan Jaamac
2. Cawil Xuseen Axmed
3. Axmed Dirir Cali
Kuwaasi oo ku kacay arbushaad & khal-khal gelin Gole, gacan ka hadal iyo hanjabaad ay kula kaceen Golaha iyo shir-guddoonkaba.
Digniintaasi oo u geli doonta faylkooda, waxa laga codsanaya in ay muujiyaan dhaqan Guurtinimo, kana waantoobaan wax kasta oo sharaftooda iyo ta Golaha ay ka tirsan yihiin wax u dhimaya.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland