Jimco, May 23, 2008(HOL): Tuulada Danun iyo Joeslovo ee duleedka magaalada Cape Town ka dhacay boob safmar ah oo loogu geystay dhamaan dadka soo galootiga ah hantidoodii iyo guryahoodii. Waxaa halkaasi ku burburay dhamaan ganacsigii Soomaalidu ay halkaasi ku lahaayeen waxaan si halis ah looga soo badbaadiyay naftoodii oo kaliya.
Ciidamada booliska ayaa goobtaasi tagay hase ahaatee wax awood ah uma laheyn in ay badbaadiyaan hantida iyo guryaha balse waxa kaliya oo ay badbaadinayeen dadka taasoo u suurtogashay in ay dhamaan dadkii soo wada badbaadiyaan.
Waxaa dhaawac ka soo gaaray shaqaaqooyinkaas 3 dhalinyaro Soomaali ah oo isbitaalka loo qaaday, sidoo kalena Dadka la soo badbaadiyay ayaa waxa lagu amaan geliyay saldhigyada booliska ee halkaasi ka dhawaa.
Soomaalida ayaa waxa ay gaarayaan in ka badan 300 oo ganacsato ah oo halkaasi ka soo badbaaday iyagoon wax hanti ah heynin xalayna ku hoyday saldhigyada booliska. Lama garanayo in ay arintani ka dhici doonto goobaha kale ee ku xeeran magaalda Cape Town iyo in kale, waxaana jirto cabsi badan oo ay qabaan Dadka soo galootiga ah, gaar ahaan Soomaalida.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa