Rabshado dhexmaray Police-ka iyo Soomaalida ku Nool Magaalada Johannesburg oo Xabsiga loogu taxaabay 18 qof oo Soomaali ah

Cabirka Farta

Jimco, May 23, 2008(HOL): Rabshado ayaa ka bilowday Xafadda Soomaalida ee Mayfair ee magaalada Johannesburg kadib markii nin Police ah uu isku dayay in uu xiro yar ka mid ah Dhalinyarada Xaafada  kadibna ay qeylo iyo dhagaxtuur uga hortageen Dhalinyaradii halkaasi joogtay.
 
Goobta uu ka dhacay Dagaalka ayaa Muraayadaha looga hoobiyay Baabuur uu Policeku lahaa iyadoo mid ka mid ah policeka uu riday Xabado iyadoo Dhalinyardii aysan ka weecan Xabadahaas uu riday balse  ay arintu gaartay in lala qabsado bustooladdii kadibna la garaaco waxyar kadib waxaa soo gaaray halkaas Police wata Baabuurta Waa weyn ee Xabsiyada kadina bilaabay in ay qabtaan Qof kasta oo ay u arkaan  in uu Soomaali yahay waxaa durbaba xirmay goobihii Ganacsiga gaar ahaan Amal Shopping Center oo ah Suuqa  ugu weyn  Soomaalidaoo ay Rabshaduhu ka bilowdeen.
 
Arintan ayaa ku soo aaday xili ay kacsantahay xaaladda Wadanka Koonfurta Afrika maalmihii la soo dhaafayna lagu dilay in ka badan 25 Qof oo AJaanib ah lana burburiyay hantidoodii.
 
Soomaalida ayaa ka mid ah Dadka dhibaatada kala duwan soo gaartay iyadoo inta badan ay iskugu soo uruureen hal Xaafad oo kaliya Dadkii ku dhaqnaa gobolka Guateng.


Saciid Cabdulle Herow, Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg,  South Africa