Khamiis, March 27, 2008(HOL): Askari ka Tirsan Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa ku geeriyooday Qarax ka dhashay Miino dhulka loo galiyay Kolanyo Ciidamo ah oo uu horkacayay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Weerarka oo ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Beero-yabaal oo wax yar uun u jirta Degmadda Buula-burte ayaa maalmihii aynu soo dhaafnayba waxaa ay fariisin u aheyd kooxo sidda la sheegay ka tirsan Midowgii Maxkamadaha, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Qarax kadib lays weydaarsaday rasaas culus in inkastoo Ciidamadda Maamulku ay sii watee Safarkooda.
Wararka Sidoo kale laga helayo Degmadda Buula-burte ayaa sheegaya in Jahwareer dhinaca Nabad-galyadda ah uu abuurmay markii ay halkaa gaareen Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan iyadda oo warku intaa ku darayo in Caawa Ciidamadda Maamulku gubeen guri uu daganaa Mid ka mid ah Taliyayasha Midowgii Maxkamadaha kaa oo magaciisa loo soo gaabiyay Labaatan Jirow.
Qof Rayid ah oo ay HOL la xiriirtay ayaa sheegay in dhamaan Albaabadda loo laabay markii ay halkaa gaareen Ciidamadda Maamulka Gobalka iyagga oo dadku ka cabsi qabay in Dagaal uu dhax maro Ciidamada iyo Kooxaha ka soo horjeeda.
Sikastaba waxaa isha lagu wadda hayaa sidda xaal isku badalo saacadaha soo socdda waxaan caawa gacan ku heynta Nabad-galyadda Magaaladda la weeragay Ciidamadda Itoobiya kadib markii ay inta badan ciidamadu raaceen Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Askari ka tirsan Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku geeriyooday weerar Miino jidka loo galiyay Ciidamo uu horkacayay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan
More News
- Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Ciidamo ay wataan oo caawa ku sugan Degmada Buulo Burte
- Wuxuu dhashay isagoo mid ka mid ah Daamankiisa isku dhegen yihiin
- Wuxuu dhashay isagoo ay Daamankiisa isku dhegen yihiin
- Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel Jaalle iyo Degmada Marka oo halkaas isaga baxay
- Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Xukuumaddiisa ay gacan ka geysan doonto fududeynta gargaarka Bani’aadannimada
- Gudoomiyaha G/ Hiiraan iyo Ciidamo uu wato oo u dhaqaaqay Buula-burte oo la sheegay in ay fariisin u tahay Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka
- Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ugu baaqay Dadkii shalay bililiqeystay Xarumaha maamulka in ay dib u soo celiyaan waxyaabihii ay qaateen
- Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo war ka soo saaray Dib u heshiisiinta uu ku baaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo 3 maalmood u qabtay Xildhibaannada ka maqan Baydhabo in ay ku soo xaroodaan
- Maamulka Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo isu baheysanaya la dagaalanka Kooxo ka soo horjeeda oo ku sugan xadka u dhaxeeya labada Gobol