Khamiis, March 27, 2008(HOL): Maamulka Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxay isu baheysanayaan la dagaalanka kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda oo ku sugan xadka u dhaxeeya labada gobol.
Ciidamo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Cumar Jaan-dhaay oo ka kala tegay Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa waxaa u dhaqaaqeen dhinaca Deegaannada Moqokori iyo Ceel Baraf, halkaasi oo la soo sheegayo inay ku sugan yihiin kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa sheegay in ay Ciidamada maamulkiisa ku raad-joogaan kooxo hubeysan oo shalay subax waqti kooban la wareegay gacan ku heynta Magaalada Jowhar, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka xusay Xaalfoy iyo Ceel Baraf.
Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne ayaa waxaa marar kala duwan waqti kooban la wareegay ciidamo la sheegay in ay ka amar qaataan maxkamadihii Islaamka, kuwaasi oo magaalooyinkaas ku qabsaday dagaal wax yar socday.
Ugu dambeyntiina, Dadka ku dhaqan Deegaannada Moqokori iyo Ceel Baraf ee gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa waxay muujinayaan cabsi ku saabsan inay dushooda ku dagaalamaan Ciidamada Maamullada labada gobol oo isku dhinac ah iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka oo dhawaanahan laga soo sheegayay deegaanadaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia