Wuxuu ubaahan yahay qalliin deg deg ah iyo gargaar Bani’aadannimo
Khamiis, March 27, 2008(HOL): Inta aad nooshahay waxaa maalin kasta aad aragtaa wax aad la yaabto mar aan dhawaan booqdey xero qaxooti oo ku taal Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa ku soo arkey canug Sagaal bilood jira oo ku dhashey mid ka mid ah Daamankiisa isku dhegen yihiin, waxayna isku dhegan yihiin laga soo bilaabo Gowska dambe ilaa Foolka hore ee gudaha wuxuuna wiilka uu quutaa Caano iyo biyo, waxaana Masaasada laga geliyaa meel yar oo afka ka banaan oo xigta daanka kale ee aan isku dhageneyn.
Reerka oo iska danyar Qoxootina ku ah deegaanka Xaawo Cabdi ayaa dhowr jeer isku dayey in ay wiilkooda wax u qabtaan balse tabari u diidey iyadoo laba dhaqtar oo dooneysey in ay si mutadawacnimo ku badbaadiyaan wiilkaas ay suurageliweysey , waxayna dhaqaatiiru sheegeen in aan waxba looga qaban karin dalka, waxay kaloo sheegeen dhaqaatiirtaas in aysan heysan qalabkii fududeyn lahaa qaliinka wiilkaas yar oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdulaahi Axmed, Hooyadiisna la yiraahdo Sahro Cilmi Shiikhdoon, waxayna labada Waalid ka codsanayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka in ay wax kala qabtaan wiilkooda dhibaateysan.



Canuga yar ee xanuunsanaya
Canuga iyo Hooyadiis
Meesha yar ee laga quudiyo
Qofkii doonaya in uu wax u qabto Canugan ha kala soo xiriiro Maxamed C/llaahi Axmed oo ah Aabaha Canugan dhalay Taleefoon Nambarka 0025215556559.
Halkan ka Aqriso Warqadda Dhaqtarka
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia