Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Xukuumaddiisa ay gacan ka geysan doonto fududeynta gargaarka Bani’aadannimada

Somalia Prime Minister Nur Hassan Hussein, 13 Feb 2008
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)
Khamiis, March 27, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ballanqaaday inay Xukuumaddiisa gacan ka geysaneyso fududeynta gargaarka bani’aadannimo ee la siinayo dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
 
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in ay magacaabayaan guddi la shaqeeya Hay’adaha gargaarka, kaasi oo ka shaqeyn doona howlaha xiriirka gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo weliba fududeyntiisa.

Nuur Cadde, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa uu sheegay in uu ku waafaqsan yahay warbixin ay Soomaaliya ka soo saareen 40 Urur oo isugu jira kuwo Caalami ah iyo kuwo Soomaaliyeed oo aan Dowli ahayn, kuwaasi oo sheegay in haddii aan wax laga qaban xaaladda Soomaaliya ay khatar geleyso nolosha kumanaan Soomaali ah oo ay saameeyeen dagaallo iyo abaaro ka jira Soomaaliya.

“Waan la qabaa inay jiraan dhibaatooyin ku hor-gudban howlaha gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya, hayeeshee waxaan magacaabi doonnaa guddi ka shaqeeya howlaha Gargaarka Bani’aadannimo”ayuu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa markii loo magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimada wuxuu sheegay inay Xukuumaddisa ku howlgeleyso seddex qodob oo kala ah Nabadeynta Dalka, Dib u heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada, wuxuuna ilaa iyo haatan howlan yahay meel-marinta qodobadii uu qorshe howleedka ka dhigtay, inkastoo ay caqabado badan heystaan.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa haatan wuxuu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay Madax ka tirsan Golaha Ammaanka Midowga Afrika, kuwaasi oo ay ka wada hadlayaan Arrimo ku saabsan sugidda Ammaanka Soomaaliya, iyadoo shirarka uu ku leeyahay Addis Ababa ay ku soo beegmayaan xili uu maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka shirayo waxa uu ka yeelayo warbixin uu u soo gudbiyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, taasi oo ay ku jirtay soo jeedin ahayd in Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo diro Soomaaliya.

“Waan rajeyneynaa in aan helno mustaqbalka dhow Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo hadalkiisa ku sii daray “waan ku faraxsannahay in Ciidamadeena AMISOM ay howlo amni sugid ah hayaan, sidoo kalena Ciidamada Itoobiya iyaguna wey na caawiyaan. Qaar ka mid ah hay’adaheena Ammaanka ayaa la qaabeeyay lana tababaray iyadoo lala kaashanayo dalal saaxibo ah, waxaana isku dayeynaa in aan dib u abaabulno hay’adaheena Ammaanka”.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia