Khamiis, March 27, 2008(HOL): Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Ciidamo aad u hubeysa oo uu horkacayo ayaa u dhaqaaqay Degmadda Buula-burte iyo Deegnada hoostaga kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in halkaa ay fariisin ku lee yihiin kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Gudoomiyaha Gobalka iyo Ciidamadda uu horkacayo ayaa warar soo baxaya sheegayaan in ay ku biiri doonaan Ciiidamo ka yimid dhinaca Gobalka Shabeeladda dhexe iyo Magaaladda Muqdisho kuwaa oo ku sugan Deegaanka Buurane ee Gobalka Hiiraan kadib markii lagu wargaliyay in inta u dhaxeysa Deegaanka Buurane iyo Degmada Buula-burte ay ku sugan yihiin Kooxihii habeen hore weerarka ku qaaday Degmadda Jowhar.
Ciidamadda is biirsanaya ee ku daba jooga kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ayaan la ogeyn waxa ay kala kulmi karaa goobaha la filayo in ay howl-galadda ka sameeyaan gaar ahaan Deeganadda hoosta Degmadda Buula-burte oo ay ku sugan yihiin Ciidamo sidda la sheegay ay kala hogaaminayaan shaqisyaad aan isku hadaf aheyn.
Dhinaca kale Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Xabsigga dhigay Nin ay walaalo yihiin Amin Barqadle (Amin Daacad) oo ahaan jira mid ka mid ah taliyayaashii Ciidamadii Maxkamadaha ee ku sugnaa Gobalka Hiiraan, isalamarkaana dhawaan dagaal kula galay Degamadda Buula-burte Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan.
Max'ed Barqadle oo ah Nin Ciidamadu xabsigga dhigeen ayaa lagu eedeynayaa in uu ka waday gudaha Magaaladda Howl-galo ka dhan ah Nabad-galyadda kuna xiran sidda la sheegay kooxaha ka soo horjeedda Dowladda, walow dadka aqoonta u leh ay kuu sheegayaan in uu yahay Nin ganacsade ah oo aan wax shaqo ah ku laheyn arimaha lagu eedeynayo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Gudoomiyaha G/ Hiiraan iyo Ciidamo uu wato oo u dhaqaaqay Buula-burte oo la sheegay in ay fariisin u tahay Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka
More News
- Askari ka tirsan Ciidamadda Maamulka Gobalka Hiiraan oo ku geeriyooday weerar Miino jidka loo galiyay Ciidamo uu horkacayay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan
- Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo Ciidamo ay wataan oo caawa ku sugan Degmada Buulo Burte
- Wuxuu dhashay isagoo mid ka mid ah Daamankiisa isku dhegen yihiin
- Wuxuu dhashay isagoo ay Daamankiisa isku dhegen yihiin
- Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa inta u dhaxeysa Deegaanka Ceel Jaalle iyo Degmada Marka oo halkaas isaga baxay
- Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in Xukuumaddiisa ay gacan ka geysan doonto fududeynta gargaarka Bani’aadannimada
- Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo ugu baaqay Dadkii shalay bililiqeystay Xarumaha maamulka in ay dib u soo celiyaan waxyaabihii ay qaateen
- Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo war ka soo saaray Dib u heshiisiinta uu ku baaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo 3 maalmood u qabtay Xildhibaannada ka maqan Baydhabo in ay ku soo xaroodaan
- Maamulka Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo isu baheysanaya la dagaalanka Kooxo ka soo horjeeda oo ku sugan xadka u dhaxeeya labada Gobol