Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo 3 maalmood u qabtay Xildhibaannada ka maqan Baydhabo in ay ku soo xaroodaan

Khamiis, March 27, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa muddo seddex cisho ah u qabtay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee ka maqan magaalada Baydhabo in ay ku soo xaroodaan.
 
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa Mudanayaasha ka maqan Baydhabo loogu sheegay in haddii ay mudadaas ku soo xaroon waayay uu Baarlamaanka ka qaadi doono taallabo sharci ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe ayaa go’aankan qaatay kadib markii uu labo jeer baaqday kulan uu yeelan lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo u baaqday sabab la xiriirta iyadoo la waayay kooram buuxa oo uu ku furmi karo shirka Baarlamaanka.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa dhawaan wuxuu Mudanayaasha Baarlamaanka ku eedeeyay in aysan dhowrin shuruucda iyo xeer hoosaadyada u degsan Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in Xildhibaannada Baarlamaanka aysan shirarka ka soo qeybgelin iyagoo jooga Magaalada Baydhabo, taasi oo keentay in la heli waayo sidii maantaba dhacday kooram ay ku furmi karaan fadhiyada Baarlamaanka.

Sidoo kalena dhawaan ayay ahayd markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay in haddii aaney Mudanayaasha qaab dhaqankooda wax ka bedelin uu iska casilayo xilka Guddoomiyenimo ee Baarlamaanka Soomaaliya, “Haddii la dhowri waayo Shuruucda iyo Heer Hoosaadka u degsan Baarlamaanka Soomaaliya waan iska casili doonaa Xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka, waayo aniga awood gaar ah oo aan leeyahay ma jirto oo aan ka ahayn in aan guddoomiyo go’aannada ay Xildhibaannada Baarlamaanka gaaraan”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia