Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Xubno ka socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka wada hadlay Arrimo ku saabsan Dib u heshiisiinta

Isniin, March 24, 2008(HOL): Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ay wada yeesheen Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo xubno ka socday bulshada Rayidka Soomaaliyeed.
 
Kulankan ayay labada dhinac uga wada hadleen sida xal dib u heshiisiin ah loogu heli karo mushkiladaha ka jira Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo kulankii maantana uu qeyb ka ahaa kulamo horay ugu socday labada dhinac.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa kulankaas kadib wuxuu saxaafadda u sheegay inuu xubnihii ka socday Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed uu ka codsaday inay ka qeybqaataan dadaallada dib u heshiisiinta ah ee xalka loogu raadinayo Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha waxaa uu intaas ku daray in kulanka uu la yeeshay Xubnaha ka socday Bulshada Rayidka uu ahaa mid qabyo u ahaa oo uu soo dhexgalay shir bulshada Rayidka Soomaaliyeed loogu qabtay Magaalada Entebbe ee Dalka Uganda.

Intaas kadib waxaa isna la hadlay Saxafiyiinta Abuukar Shiikh Nuur oo u hadlay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kaasi oo sheegay in ay Ra’iisal Wasaaraha kala hadleen doorka ay ku yeelan karaan dib u heshiisiinta, isagoo caddeeyay inay Ra’iisal Wasaaraha u gudbiyeen go’aannadii ka soo baxay Shirkii ay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ku yeesheen Dalka Uganda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirkii maanta dhexmaray Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Xubnaha ka socda Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeennada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan iyo Saalim Caliyow Ibrow.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia