Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo tegay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Isniin, March 24, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa saaka waxay gaareen Degmada Qoryooley  ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Ciidamadan oo la sheegay in ay wateen dhowr iyo toban gaari oo isugu jiray kuwa Ciidamada iyo Saadka qaada iyo kuwa ay ku rakiban yihiin Qoryaha Dagaalka ayaa waxay ka galeen Degmada Qoryooley dhinaca Gobolka Bay oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u tiro badan.

Ciidamadan ayaa waxaa wel wel ka muujiyay Dadka ku dhaqan Degmada Qoryooley, kuwaasi oo ay u tahay markii ugu horeysay oo ay soo dul-degaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan.

Saaka ayay ahayd markii sidoo kale ay magaalada Marka gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo iyana ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn ujeedada ay halkaas u tageen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Guddoomiyaha maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo la kulmay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee gaaray magaalada Marka ayaa wuxuu sheegay in aan lagu soo wargelin Ciidamada Itoobiyaanka ah ee saaka gaaray Degmooyinka ka tirsan Gobolka, walow uu sheegay in ciidamada uu la kulmay ay u sheegeen in ay kormeer u socdaan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia