Maalinta Qaaxada Aduunka oo Muqdisho laga xusay


Isniin, March 24, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga xusay maalinta Qaaxada Adduunka, iyadoo xaflad lagu maamuusayay maalintaas ay qabatay Hay,adda Mercy USA oo iyadu Dad qaba Cudurka TB-da ku daweysa 6 Gobol oo Soomaaliya ka tirsan.
 
Xafladda ay soo qabanqaabisya Hay’adda Mercy oo ka dhacday Xarunta Hay’addaas ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda iyo Dad ay Hay’adda daweyso oo aad u tiro badan.

Furitaankii Xafladda waxaa ka hadashay Safiyo Shiikh C/llaahi oo ka mid ah kalkaaliyayaasha Caafimaad ee Hay’adda Mercy, isla markaana xubin ka ahayd Guddiga Qabanqaabada Xafladda, waxayna  sheegtay in ay Hay’ad ahaan aad ugu faraxsan yihiin in ay xusaan maalinta Qaaxada Adduunka oo Caalamka oo dhan laga xuso, waxayna intaas kadib mahadcelin u jeedisay dadkii xafladda ka soo qeybgalay oo ay xitaa ku jireen Bukaannadii la daweynayay.

Intii ay Xafladda socotay waxaa xarunta Hay’adda Mercy lagu soo bandhigay dhoolatus caafimaad oo ay sameeyeen bukaanno laga daweeyay Cudurka TB-da, kuwaasi oo mar inta indhaha lagu imtixaamay in ay dhangadeeyaan gasac meel loo dhigay, mar kalena lagu imtixaamay in ay la socdaan dhowr tallaabo Ukun Qaado loo saaray oo ay afka ku hayaan, waxaa kale oo xusid mudan oo lagu imtixaamay in ay il-biriqsiyo gudahooda ay Moos ku fiiqdaan kuna cunaan iyagoo gacmaha ka xiran.

Intaas kadib waxaa ka hadlay Xafladdii lagu xusayay maalinta Qaaxada Adduunka ee lagu qabtay Xarunta Mercy ee Magaalada Muqdisho Xiriiriyaha Caafimaadka hay’adda Mercy Dr. Maxamed Cabdulle Cali, kaasi oo ka sheekeeyay taariikhda Cudurka, sida uu Dadka Adduunka u saameeyay iyo sida maanta loogu dadaalayo in la daweeyo.

“Cudurka waa la daweyn karaa haddii ay bukaannada dawada u qaataan sida loogu talagalay, waxaase dhibaato ah marka uu bukaanka dawada kala joojiyo ama uu u qaadan waayo si sax ah” ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdulle Cali oo sheegay in Hay’adda Mercy ay haatan Xarumo Caafimaad ku leedahay ilaa lix Gobol oo Soomaaliya ku yaala, kuwaasi oo lagu daweeyo dadka qaba Cudurka Qaaxada.

Dr. Maxamed Cabdulle Cali waxaa uu sheegay in mustaqbalka ay rajeynayaan in ay Soomaaliya ka furaan goobo kale oo Caafimaad, kuwaasi oo daryeel caafimaad loogu fidiyo Dadka qaba Cudurka Qaaxada, wuxuuna  mahadcelin u jeediyay Dhaqtarka intii uu qudbeynayay Hay’adaha WHO, Global Fund, UNICEF iyo WFP, kuwaasi oo uu sheegay in ay Hay’adda Mercy ka caawiyaan dhinacyada Dawooyinka iyo Raashinka.

Waxaa isna xafladda ka hadlay Ku-simaha Agaasimaha Hay’adda Mercy Inj. Maxamed Cali Maxamuud, kaasi oo sheegay in Hay’adda Mercy oo la aas aasay 20-kii April 1994 ay muddo 14 sano ah ku howlaneyd sidii ay Dadka uga daweyn lahayd Cudurka Qaaxada, wuxuuna sheegay in ay Hay’adda ku guuleysatay in ay Cudurka ka daweyso dad kumaan kun ah, kuwaasi oo haddii aysan dawo heli lahayn cudurka u geeriyoon lahaa.

Inj. Maxamed Cali Maxamuud waxaa uu sheegay in inta ay howshan daryeelka Caafimaad ah hayeen ay gacan ka helayeen Hay’ado kale oo qaarkood ka saacidayay dhinaca Dawada, halka kuwo kalena ay ka kaalmeynayeen dhinaca raashinka.

“Waxaan guntiga dhiisha isaga dhignay sidii aan u badbaadin lahayn Caruur, Haween, Dad da’ ah iyo Dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi oo haddii aysan dawo heli lahayn ay xaaladdooda khatar ku jirtay”ayuu yiri Inj. Maxamed Cali Maxamuud oo ugu baaqay Bukaannad qaba Cudur qaba Qaaxada inay deg deg u tagaan Goobaha Caafimaad sida Hay’adda Mercy oo kale, isagoo kuwa ay daweynta ugu socotana kula taliyay in ay Dawada u qaataan si sax ah oo markaasina ay kala joojin.

Waxaa xafladda ka hadlay Cali Maxamed Cumar iyo Gabar magaceeda ku soo koobtay Sacdiyo, kuwaasi oo ka mid ah Bukaannada ay Hay’adda Mercy ka daweyso Cudurka Qaaxada, waxayna labaduba sheegeen in ay Hay’adda Mercy u qabatay wax weyn, isla markaana ay si lacag la’aan ah uga daweyso cudurka Qaaxada, “Meeshan (Xarunta Mercy) waxaa la keenaa Dad gaari gacan lagu sido oo Cudurkan la xanuunsanaya, waxaana dadkaas marka dawo lagu bilaabo todobaad kadib ay noqdaan kuwo uu caafimaadkooda ka soo reynayo”ayuu yiri Cali Maxamed Cumar.

Sidoo kalena Sacdiyo ayaa iyaduna waxay sheegtay in uu farqi weyn u dhaxeeyo qofka marka uu caafimaad qabo iyo marka uu xanuunsanayo, iyadoo carrabka ku dhufatay in qaar ka mid ah Bukaannada ay Hay’adda Mercy daweyso oo haatan tallaabsanaya ay markii xarunta la keenayay ahaayeen kuwo aan socon karin oo garabka laga hayay ama gaari gacan lagu siday, waxayna ugu baaqday Bukaannada Dawada u socoto in aysan dawada kala joojin, ayna u qaataan si sax ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hay’adda Mercy USA ayaa bukaannada marka loo keeno waxay ku sameysaa baaritaan kadib marka ay cudur ka heshana waxay u bilowdaa daweyn uu cudur siduhu dawada ku qaadanayo xarunta Hay’adda, iyadoo bil kadibna raashin la siiyo Bukaanka, si uu dawada ugu qaato.












Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia