Ciidamo Itoobiyaan ah oo tegay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Isniin, March 24, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa saaka waxay gaareen Magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose.
 
Ciidamadan oo la sheegay in ay wateen dhowr iyo toban gaari oo isugu jiray kuwa Ciidamada iyo Saadka qaada iyo kuwa ay ku rakiban yihiin Qoryaha Dagaalka ayaa waxay ka galeen Magaalada marka dhinaca Degmada Afgooye oo uu ku yaala mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan ayaa markii ay gaareen Magaalada Marka waxay kulan la qaateen Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur, kaasi oo la sheegay in ay ka wada hadleen Saraakiisha Itoobiyaanka arrimo ku saabsan ammaanka Gobolka.

Sida ay noo xaqiijiyeen Dad aan kala xiriirnay magaalada Marka Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay fariisimo ka sameysteen Deegaan lagu magacaabo Waa Cuneenaa Waa Cabeenaa ilaa Degaanka  Ceel Jaalle, halkaasi oo ay ilaa iyo haatan ku sugan yihiin.

Waa markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaanka gudaha u galaan magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana ay kulamo la qaataan Mas’uuliyiinta halkaas ka arimisa.

Ugu dambeyntiina, Dadka ku dhaqan Magaalada Marka ayaa saaka markii ay arkeen Ciidamada Itoobiyaanka waxaa la soo deristay cabsi aad u weyn, inkastoo ay xaaladdooda degtay kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen Magaalada.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia