Gudoomiyaha gudigga Isboortiga Gobalka Hiiraan oo ka warbixiyay tartankii cayaaraha Gobaladda ee wajigiisii hore lagu soo gabo gabeeyay Gobalka Sh/Dhexe

Isniin, March 24, 2008(HOL): Gudoomiyaha Gudigga Isporitiga Gobalka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) oo dhawaan ka soo laabtay Tartankii Cayaaraha Gobaladda ee Wajigiisa hore lagu soo gabo Gabeeyay Magaaladda Jowhar ee Xarunta u ah Gobalka Shabeeladda dhexe ayaa ka warbixiyay sidii ay ku soo dhamaadeen Cayaarihii halkaa lagu qabtay iyo ilaa hadda Kooxaha soo baxay.
 
Cumar Baadiyow oo u warmayay HOL ayaa sheegay in Gobaladda Shabeeladda Dhexe iyo Hiiraan ay ku soo baxeen kaalimaha Koowaad iyo Labaad halka Kooxdii ka socday Gobalka Gal-gaduudna ay isagga hareen Tartanka, Waxaana uu intaa ku daray in Labadda Gobal Shabeeladda Dhexe iyo Hiiraan ay ku biiri doonaan Gobaladda ka soo baxa tartamadda dhimin.
 
Kooxdda ka socotay Gobalka Hiiraan ayuu sheegay in ay la soo daristay farsamo xumo dhinaca dhaqaalaha isagga oo inta raaciyay in lacag kooxdda ay u balan qaadeen Mas'uuliinta maamulka Gobalka Hiiraan markii ay baxayeen aysan helin taa oo keentay Nayad jab la soo darsatay Kooxda, waxaa kaloo uu sheegay in markii ay tageen Magaaladda Jowhar ay garab ka heleen Mas'uuliyiinta qaar ka mid ah Hay'adaha Samafalka ka howgala Gobalka Shabeeladda dhexe.
 
Baadiyow Waxaa kaloo uu intaa ku daray in si loogga faa'ideysto Cayaaraha soo socdda loo baahan yahay in la helo dhaqaale lagu xareeyo Kooxda, waayo ayuu yiri suurta gal ma'aha in garoonka laysugu geeyo Cayaartoy aan markii hore Tababar wadda qaadan taa oo keeni karta ayuu yiri is faham daro dhinaca Cayaarta ah.
 
""Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaalyeed Saciid Mugaanbe waa is aragnaya waxeynu ka wadda hadalnay arimo badan oo ku saabsan sidii loo hor marin lahaa Isportigga Gobalka ayuu yiri Baadiyo oo ka jawaabay Su'aal aheyd bal hadii ay kulmeen isagga iyo Gudomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta.
 
Mar uu ka jawaabay Su'aal kale oo aheyd halkii uu ku danbeeyay murankii u dhaxeeyay
isagga iyo waliba qaar ka mid ah Gudigga Isportigga Gobalka Hiiraan ayuu sheegay in uusan ka warqbin wixii ka danbeeyay markii uu maamulku xabisigga dhigay, lakiin waxaa uu yiri wax walba waa la sixi karaa hadii aan wax kale jirin.
 
Jaaliyadaha Dibadda ayuu ka codsaday Baadiyow in ay gacan ka siiyaan sidii Kooxda ka socta Gobalka Hiiraan loogu heli lahaa dhaqaale horay loogu marayo tayadooda cayaareed, waayo ayuu yiri hadii aan la helin dhaqaale lagu xareeyo shaki ayaa ku jira sidii ay iskula qabsan lahaayeen ama ay guulo uga soo hoyn lahaayeen Cayaaraha u dhiman.
 
Ugu daneytiina waxaa uu u mahad ciliyay Maamulka Gobalka Shabeeladda Dhexe oo sidda uu sheegay gacan weyn siiyay intii ay joogeen Magaaladda Jowhar, gaar ahaan Gudoomiyaha Gobalka iyo Kux-xigeenadiisa oo na soo dhaweeyay ayuu yiri.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia