Dagaal maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Isniin, March 24, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa haatan wuxuu ka socdaa xaafado ka tirsan Degmada Hodan Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Dagaalkan oo xooggiisa ka dhacaya inta u dhaxeysa Saldhigga Degmada Hodan iyo Fagaaraha Tareebuunka ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay saaka Saldhigga Hodan tageen Ciidamo ka amar qaata Dowladda, kuwaasi oo muddo bil ka badan halkaas ka maqnaa.

Khasaaraha uu geystay dagaalkan ayaa wuxuu gaarayaa dhimashada shan ruux oo isugu jiray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Dad Rayid ah iyo weliba dhaawac dad rayid ah oo gaaraya 30 ruux, kuwaasi oo dhaawacooda lagu daweynayo Isbitaallada Madiina iyo Keysaney ee Magaalada Muqdisho.

Saldhigga Degmada Hodan ayaa intii ay Ciidamada ku sugnaageen waxaa uu ahaa mid ay mar kasta weerar ku qaadaan Kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo xitaa dhowr jeer la bililiqeystay Saldhiggaas.

Si kastaba arrintu ha ahaatee dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xaaladda Magaalada Muqdisho ay deganeyd maalmihii aynu ka soo gudubnay, isla markaana aysan ka dhicin wax iska hor-imaadyo ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu furmay Isgoyska Howl-Wadaag oo horay ugu xirmay Dagaallo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia