Warakii ugu dambeyey ee shirka Jabuuti

Cabirka Farta


Ra'iisul Wazaaraha dowladda Jabuuti Dileyte Max’ed Dileyte iyo Wafdigii ka socday Golaha Amaanka


Monday, June 02, 2008

Wafdigii ka socday xubnaha Isbahaysiga
Jabuuti (HOL) Waxaa maanta barqadii waddanka jabuuti soo gaaray wafti ka socda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay oo uu horkacayo madaxa golahaasi ,waa wakiilka Koofur afrika u fadhiya Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa Domizan Okomala isla markaama ay kamid yihiin xubno ka socda 15ka dal ee ku jira golaha amaanka.
 
Wafdigan ayaa waxa ay yihiin kuwo xaqiiqo raadin ah oo doonaya in ay wax badan ka ogaadaan xaaladda ka jirta dalka Soomaaliya iyo waliba sida ugu macquulsan ee xal loogu heli karo.
 
Wafdiga ayaa waxaa lagu soo dajiyay hotel Kempniski ee waddanka jabuuti halkaasoo oo ay horay u daganaayeen wufuudda labada dhinac ee wada xaajooneysa iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.
 
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaaraha Jabuuit Dileyte
Waxaa durbadiiba qaabilay Raysal wazaaraha dowladda Jibuuti Dileyte Max’ed Dileyte oo sii haya jagada madaxweynaha dalka oo ku bogaadiyay booqashada ay Jibuuti ku yimaadeen iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii loo xallin lahaa mashaqada Soomaaliya.
 
Mr:Dileyte waxa uu sheegay in iyagu aanay wax ujeedda ah oo qarsoon kalaheyn dadaallada ay ugu jirto sidii loo nabdeyn lahaa Soomaaliya oo aan aheyn in ay doonayaan soomaaliya oo mar kale cagaheeda isku taagta nabadina ay ka aslaaxdo.
 
Dhinaciisa Hiogaamiyaha waftiga Golaha amaanka ayaa uga mahadnaqay Dileyte soo dhaweynta diirran ee uu u fidiyay .
 
Daqiiqado kadib ayaa Raysal wazaare Dileyte waxa uu isla hotelka ku qaabilay madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo ay kawada hadleen arrimo khuseeya Soomaaliya.
 
Intaasi kadib Waftiga Golaha Amaanku waxa ay kulan inkabadan 2saacadood socday oo ay albaabadu u xirnaayeen la galeen waftiga dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed .
 
Safiirka Qaramada Midoobay Koofur Afrika u jooga oo hadalka qaatay ayaa ka warbixiyay ujeeddada socdaalkooda waxa uuna ku micneeyay in tahay mid ay ku taageerayaan oo ay ku barbar-joogsanayaan xukuumadda Soomaaliya iyo shacbiga Soomaaliyeed ,isagoo tibaaxay in ay si xooggan u taagerayaan waddo walba oo si nabad ah loogu xallin karo dhibaatada ragaadisay ee dalka Soomaaliya.
 
Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda ee dowladda Axmed C/salaan iyo Cali J. Jangle
Dhakiisana Madaxweyne Yuusuf oo fadhiga ka hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya haatan ka jirta iyo sida ay xukuumaddiisa ula muuqato in xal loogu heli karo.
 
Kulankaasi dabadii waxa ay Wafdiga golaha amaanka ee Qaramada Midoobay la xaajoodeen golaha amaanka iyo nabd-galyada ee midowga afrika oo ay kala hadleen sidii loo taageeri lahaa loona kordhin lahaa ciidamada midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga.
 
Markii uu kulankaasi soo idlaaday ayaa waxaa saxaafadda hadal kooban kulanka ka siiyay Raysal wazaare ku xigeenka ahna waziirka warfaafinta Axmed Cabdi Salaan iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cali jaamac Jangali.
 
Waxa ay sheegeen in wafdiga ay kala hadleen guud ahaan arrimaha amaanka Siyaasadda iyo bini aadanimada.
 
Sidoo kale waxa ay wafdiga golaha amaanka ka socda ee socdaalka ku jooga Jabuuti shir saacad iyo bar socday la galeen waftiga Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo iyagana ay ka dhageysteen warbixin uu Isbaheysigu ka diyaariyay xaaladda Soomaaliya.
 
C/raxmaan C/shakuur Warsame, hogaamiyaha wafdiga Isbaheysiga
Kadib kulankaasi ayaa saxaafadda waxaa sidoo kale kaga warbixiyay waxyaabihii looga hadlay Kulanka C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah hogaamiyaha wafdiga Isbaheysiga wadahadallada uga qeyb galaya, waxaanu sheegay in ay kala hadleen sidii ciidamada itoobiya looga saari lahaa dalka Soomaaliya iyo sidii maxkamad loo soo taagi lahaa dadkii dambiyada dagaalka ka galay Soomaalida iyo sidii loo gargaari lahaa dadka tabaaleysan waasida uu hadalka u dhigaye.
 
Waxa uu sheegay in ay ku wargaliyeen Wafdiga in aanay wadahadal toos ah la yeelan doonin wafdiga wadaxaajoodka ee dowladda federaalka ilaa iyo inta ciidamada Itoobiya laga saarayo dalka Soomaaliya .
 
Mar wax laga weydiiyay sida ay ka yeelayaan uruka Al-shabaab haddii ay iyagu si  nabad ah xal ula gaaraan dowladda iyo Itoobiya ,ayuu ku jawaabay in isbaheysigu aanay marka horeba qaadeynin wax aan u qalmin shacabka Soomaaliyeed ,haddii ay u qaadaan wax u qalmana cidii is hor taagta uu shacabka Soomaaliyeed la dagaallami doono.
 
Madaxweyne Cabdullahi Yusuf
Waxaa lagu wadaa in waftigan ka hor inta aanay ka dhoofin dalka Jibuuti Kulan la qaataan ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee Jooga dalka Jibuuti kadibna ay u ambabaan dhinacaa iyo waddnaka Suudaan.
 
Rajadii laga lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa sii liiceysa kadib markii isbaheysigu ay mar kale ku celiyeen inaanay soo horfariisan doonin waftiga dowladda oo ay ku tilmaameen mid aanan go’aan qaadan Karin oo ay talo farihiisaba ku jirin.

Jacfar Kuukaay
Jabuuti