Isniin, June 02, 2008(HOL): Inta la ogyahay ilaa 5 Ruux oo rayid ah ayaa ku dhawacantay Qarax goor dhaw ka dhacay Buundada-Liiqliiqato ee Magaalada Beledweyne xili halkaa ay ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaalo ka haya dhaq-dhaqaaqa iyo isku socdka Buundada.
Qaraxa kadib ma jirin wax Rasaas ah oo ay rideen Ciidamada Itoobiya ee fariisinkoodu yahay Buundada, laakiin goobta qaraxu ka dhacay waxaa markiiba gaaray qaar ka mid ah Ciidamada Itoobiyaanka oo ka baxay Saldhigga Baliiska kuwaas oo amar ku bixiyay in Albaabada loo laabo goobaha ganacsi ee halkaas ka dhaw.
Waa markii labaad oo weerarkan oo kale ah lagu qaado Ciidamada Itoobiya ee Fariisinkoodu yahay Buundada Liiqliiqato ee Magaalada Beledweyne, waxaana ay arintani muujineysaa sida Xaaladda Ammaanka Magaalada u tahay mid aan laysku haleyn Karin.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa jiray in qaar ka mid ah Qoysaska ku dhaqan Magaalada ay ka barkacayeen guryahooda iyagoo ka cabsi qaba saameyn ka dhalata dagaal dhaxmara Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne iyo Kooxaha ka soo horjeeda oo wali ku sugan qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Dad ku dhaawacmay qarax ka dhacay Buundada Liiq-liiqato ee Magaalada Beledweyne
Cabirka Farta
More News
- Warakii ugu dambeyey ee shirka Jabuuti
- Xubnihii ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Jibouti gaaray iyo Xubnahaas oo wada hadallo la yeelanaya Dhinacyada Soomaalida
- Sarkaal u shaqeeya Qaramada Midoobay oo ay Degmada Mahadaay su’aalo ku weydiinayaan Maxkamadaha Islaamka
- Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo sheegay in dhinacyada ay wada hadallada u qabteen ay ku qasban yihiin in ay fool-ka-fool isu hor-fariistaan
- Xaaladda Ammaan ee Magaalada Kismaayo oo faraha ka sii baxay kadib iska hor-imaadyo xalay iyo saaka ka dhacay
- Xaaladda Siyaasadeed ee Gobalka Hiiraan oo xiligan mareysa heerkeedii ugu sareysay
- Madaxweynaha Puntland oo booqday Deegaannada ay Macdan baarista ka socoto