Isniin, June 02, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in ay ammaanka magaaladaas uu faraha ka sii baxayo kadib markii ay soo bateen isbaarooyin ay dhiganayaan kooxo maleeshiyooyin ah.
Ciidamo ka soo horjeeda kooxahaas maleeshiyooyinka ee isbaarooyinka dhigta ayaa lagu soo waramayaa in uu xalay iyo saaka gudaha magaalada ku dhexmaray iska hor-imaad, kaasi oo inta la ogyahay sababay dhimashada mid ka mid ah kooxihii Isbaarada dhiganayay iyo dhaawaca qof rayid ah.
Dagaal xalay ka dhacay nawaaxiga Dekedda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay nin ka tirsanaa kooxihii Isbaarada dhiganayay, halka dagaal saaka ka dhacay isgoyska Aargada uu ku dhaawacmay Nin Rayid ah oo halkaas dukaan ku lahaa.
Kooxihii maleeshiyooyinka ahaa ee isbaarada dhiganayay ayaa lagu soo waramayaa in ay saaran yihiin daaro dhaadheer oo gudaha magaalada ku yaala, iyagoo halkaasina rasaas ka soo ridaya.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa muddooyinkan waxaa uu ammaankeeda ahaa mid aan hagaagsaneyn, waxaana ka dhacayay iska hor-imaadyo u dhaxeeya Kooxahan Isbaarooyinka dhigta gudaha magaalada iyo Ciidamo ka soo horjeeda oo ay abaabuleedn siyaasiyiinta iyo odayaasha gacanta ku haya Magaalada Kismaayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia