Isniin, June 02, 2008(HOL): Xilka qaadistii Dowladda Federaalku ku sameysay Gudoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo Magacaabista Maamulka uu hogaamiyo Max'ed Axmed (Dhagaweyne) oo lagu sii daray amarkii dhawaan Sarkaalka hogaamiya Ciidamada Itoobiya uu ku siiyay Gudoomiyihii hore ee Gobalka in uu isaga baxo Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dhashay Xiisado kacsan oo ka jira qeybo ka mid ah Gobalka iyo waliba Siyaasado is khilaafsan oo u dhaxeeya Xubanaha ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ee ku jira Baarlamaanka Federaalka.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa qaba in Magacaabista uu sameeyay R/iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) tahay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo Gobalka, islamarkaana wali aaminsan yihiin in uu yahay Yuusuf Dabageed Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan, lakiin dhinaca kale waxaa jira mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumada Federaalka oo dhinacooda qaba in la badali karo Maamulkii hore islamarkaana sharci daro tahay dooda ku saabsan dhismaha Maamulka hada jira.
Xildhibaan Cali C/laahi Cosoble oo ka mid ah mudanayaasha sida weyn ugu soo horjeeda Maamulka hada ka jira Gobalka Hiiraan ayaa ku eedeeyay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda in uu qaadayo mas'uuliyada dhibatada ka timaada xiisada ka dhalatay xilka qaadista Gudoomiyihii hore, waxaana uu dhinaca kale arin qalad ah ku tilmaamay hubkii dhawaan Ciidamada Itoobiya ka wareejiyeen Gudoomiyihii hore "" Suurtagal Ma'aha kamana yeeli doono in hub reer lee yahay lala wareego, hadiii ay arimuhu sidan ku sii socdaana waxan tagi doonaa gudaha Gobalka Anniga oo is bar bar taagi doona kacdoonka Shacabka reer Hiiraan ayuu yiri Cali C/laahi Cosoble.
hadalka Xildhibaanka oo u muuqda mid daba jooga hadalo ka sii horeeyay oo ka soo yeeray Xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanaka Federaalka ayaa caro ku abuuray qaar ka mid ah mas'uuliyiinta cusub ee Maamulka Gobalka Hiiraan oo ka hadlay sida ay u arkaan xiisada Siyaasadeed ee ka jirta Gobalka.
Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Saalax Muumin Muuse Yacquub oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha gudaha ayaa sheegay in wax laga xumaado tahay wararka ka soo yeeraya sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, isaga oo intaa ku daray in magacaabistoodu ay ka timid Wasiirka Arimaha Gudaha oo ah ayuu yiri shaqsi reer Hiiraan R/Iisul waasaaruhuna sidaa ku aqbalay.
" Ma wanaagsana in xiisad la abuuro, arimahana loo rogo kuwo qabiil hadii ayse ay jiraan qaladaad la tirsanayo waa laga wada hadli karaa ayuu sheegay Gudoomiyaha Degmada Beledweyne oo dhinaca kale ka hadlay arinta ku saabsan amarka lagu siiyay Gudoomiyihii hore ee Gobalka in uu isaga baxo Magaalada " Ma qaadan doono in Yuusuf Dabageed sidaa loo lala hadlo, waayo waa nin muwaadin ah oo xaq in meeshii uu doono uu kaga noolaado Gobalka ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.
mar la weydiiyay in ka Maamul ahaan arintaa ay ka warqabaan iyo in kale waxaa uu sheegay in su'aashii ay ku wanaagsan tahay Gudoomiyaha Gobalka, lakiin isaga oo uusan marnaba raali ka noqon doonin xitaa hadii maamulka lagu soo wargaliyo, balse waxaa uu sheegay in uu la yaaban yahay heerka arimaha la gaarsiinayo.
Ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha gobalka Hiiraan ayaa laftirkooda u muuqda kuwo sameyn ku yeeshay Siyaasadaha qasan ee ka dhax jiray Xubanaha Maamulka iyo Xildhibaanada Gobalka, waxaana ay maalintii shalay Xabisga dhigeen haween aan tiro badneyn oo isugu soo baxay Ilinka hore ee Saldhiga Baliiska kuwaa oo sheegay in ay aad uga xunyihiin hadalkii ka soo yeeray Sarkaalka Ciidamada Itoobiya ee ku aadan Gudoomiyihii hore.
Ilaa hada ma'jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Hiiraan, dhinaca kale waxaan wali laga wareejin gacanta Ciidamada Itoobiya hubkii dhawaan laga qaaday Maamulkii hore taasoo muujineysa in Ciidamada Itoobiyaanku tuhunsan yihiin xaalada ka abuurmi karta wareejinta hubka oo wali lagu hayo Xarunta Ciidamada Itoobiya ku lee yihiin Duleedka Magaalada Beledweyne
Sikastaba Gobalka Hiiraan waxaa la oran karaa waa mid lugaha la galay marxalad aan wanaagsaneyn, waxaana muuqneysa in layskaba iloobay loolanka u dhaxeeya kooxha kacdoonka wada ay Ciidamada Itoobiya Idhuhuna waxaa ay hada ku fooraraan ugu danbeytii waxa ka dhalan kara is jiid-jiidka ku dhaxeeya Ma'uuliyiinta Maamulka Cusub iyo kuwii hore oo ay kala taageerayaan Xildhibaanda ku jira Baarlamaanka Federaalka oo qalabka warbaahinta ka jeedinaya hadalo is khilaafsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Xaaladda Siyaasadeed ee Gobalka Hiiraan oo xiligan mareysa heerkeedii ugu sareysay
Cabirka Farta
More News
- Warakii ugu dambeyey ee shirka Jabuuti
- Dad ku dhaawacmay qarax ka dhacay Buundada Liiq-liiqato ee Magaalada Beledweyne
- Xubnihii ka socday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Jibouti gaaray iyo Xubnahaas oo wada hadallo la yeelanaya Dhinacyada Soomaalida
- Sarkaal u shaqeeya Qaramada Midoobay oo ay Degmada Mahadaay su’aalo ku weydiinayaan Maxkamadaha Islaamka
- Danjire Ahmedou Ould-Abdallah oo sheegay in dhinacyada ay wada hadallada u qabteen ay ku qasban yihiin in ay fool-ka-fool isu hor-fariistaan
- Xaaladda Ammaan ee Magaalada Kismaayo oo faraha ka sii baxay kadib iska hor-imaadyo xalay iyo saaka ka dhacay
- Madaxweynaha Puntland oo booqday Deegaannada ay Macdan baarista ka socoto