Isniin, June 02, 2008(HOL): Sarkaal u shaqeeya Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Cali C/llaahi (Cali Maalaay) ayaa waxaa su’aalo lagu weydiinayaan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Sarkaalkan oo ku howlgelayay Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegeen mas’uuliyiin u hadlay Maxkamadaha Islaamka in uu la shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxyana sheegeen in ay su’aalo weydiinayaan.
Shiikh Daahir Caddow oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Sarkaalkan u shaqeynayay Qaramada Midoobay ay su’aalo weydiinayaan, isagoo caddeeyay in aysan jirin doonin wax dhibaato ah oo loo geysan doono.
Shiikh Daahir Caddow oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in sababta ay u qabteen Sarkaalkan ay tahay in aysan raali ka noqon karin in dad la shaqeynaya Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeeyaan meelaha ay gacanta ku hayaan, “sidee u ogolaan karnaa arrintaas waxaanba Jowhar ka ceyrinay maamulkii ka talinayay”ayuuna yiri Shiikh Daahir Caddow.
Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay gacanta ku hayaan inta badan Degmooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo maamulkii Gobolka ka talinayayna uu meesha isaga baxay kadib markii dhowr jeer lagala wareegay gacan ku heynta xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia